24.5 C
Mogadishu
Thursday, August 21, 2025

Rooble oo taageero weyn u muujiyey Somaliland, kana digay qorshe ay waddo DF

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka hadlay khilaafka dowladda federaalka kala dhexeeya Somaliland iyo dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, isagoo aad u dhaliilay hoggaaminta madaxweyne Xasan Sheekh iyo muddo kororsiga uu u sameeyey dowlad goboleedyada Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Rooble ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyey in uu burburinayo maamulka Somaliland, isagoo meesha ka saaray wadahadalladii socday, sidoo kale wuxuu sheegay in horay uu u diiday in wax cilaaqaad ah uu la yeesho dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

“Waad u jeedaan xaalka Somaliland maanta meesha uu marayo, walaalaheen shalay iyaga ayaa calanka iyo midnimada keenay, laakiin maanta waxay la’yihiin cid tabashadooda kala fariisata, taas bedelkeeda waxaa loogu hanjabayaa in la burburi doono,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul wasaarihii hore ayaa intaas ku sii daray, “Waa la socotaan burburka iyo caqabadaha lagu jaayo Somaliland, laakiin anaga raali kama nihin madaxweynahana waan u sheegnay.”

Maxamed Xuseen Rooble, intii uu ra’iisul wasaaraha ahaa waxaa lagu xusuustaa in Somaliland uu u fasaxay lacag ka badan 11 milyan oo doolar oo Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ay ka xanibeen, taas oo ku jirtay qasnadda dowladda federaalka.

Somaliland ayaa si lamid ah dowlad goboleedyada Soomaaliya waxay dowladda federaalka ka heshaa lacag kab miisaaniyadeed ah, taas oo u badan deeqaha caalamku uu siiyo Soomaaliya.

Ra’iisul wasaarihii hore wuxuu eedeyntiisa ku sii daray in dowladda federaalka ay mar kasta is hortaagto macaawinada yar ee caalamku u soo dhiibo Somaliland, taas oo loo marsiiyo dowladda federaalka.

“Intaas waxaa u sii dheer, dacaayado raqiis ah oo madaxda dowladda ay mar kasta warbaahinta u mariyaan Somaliland, marka Somaliland waxaan u sheegayaa inaan uga tacsiyadeynayo aragti la’aanta iyo faham la’aanta dowladda federaalka ka heysata arrimaha Somaliland, marka waxaan idin leeyahay horay u socda, waana idin garab taaganahay,” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.

Dhinaca kale, wuxuu Rooble weerar afka ah ku qaaday qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada, isagoo sheegay in kursiga ay sharci darro ku joogaan, sharaf darrana ay ku yihiin dowladnimada Soomaaliya, iyadoo waxaas oo dhan uu masuul ka yahay Xasan Sheekh, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Dowlad goboleedyada qaar waxaa madaxweynayaashooda loo sameeyey muddo kororsi sharci darro ah, iyadoo aan loo marin hanaan dastuuri ah, mid federaal iyo mid gobol, waa arrin meel ka dhac ku ah dowladnimada, dhowr jeer ayaan kala hadalnay Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna si cad noogu yiri aniga waa ii dhisan yihiin, waana sharci,” ayuu yiri Rooble.

Wuxuu sheegay in Jubbaland iyo Puntland ay ka caroodeen wax ka bedelka lagu sameeyey dastuurka, balse markii ay dhex dhexaadi maageen uu Xasan Sheekh, si cad ugu sheegay in labadaas maamul uusan la heshii karin, oo madaxweynaha isaga ka dambeeya uu u deynayo.

Rooble ayaa intaas ku sii daray in Xasan Sheekh ay iyagu dhiseen, maadaama uu ahaa oday dalka soo xukumay oo bulshada ka dhex yimid, balse uu ku noqday “horor aan naxariis laheyn oo ka beensheegay Kitaabkii u uku dhaartay” sida uu hadalkiisa u dhigay.

 

- Advertisement -

Read more

Local News