26.9 C
Mogadishu
Saturday, August 23, 2025

Xog: Khasaare culus oo Puntland kasoo gaaray dagaalkii shalay

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo Jimcihii shalay ka dhacay aagga buuraha Calmiskaad, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo maleeshiyada kooxda Daacish.

Dagaalka oo ahaa mid culus, isla markaana saacado badan qaatay ayaa si gaar ah uga dhacay Ceelka Maraagaale ee togga Baallade, halkaas oo ay weerareen ciidanka difaaca Puntland, waxayna kadib iska caabin kala kulmeen maleeshiyaadka kooxda Daacish.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu ahaa mid kamid ah kuwii ugu xoogganaa ee dhex-mara labada dhinac, waxaana ciidanka ay beegsadeen xarumo ay hub iyo saad u yaallaan dagaalyahannada Daacish, taas oo keentay in kooxda ay ku fara adeegto halkaasi.

Inkastoo ciidamada Puntland ay guullo waawayn gaareen, haddane waxaa lasoo wariyay in dagaalkii shalay looga dilay askar badan oo gaareysa illaa 15, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo labaatameeyo ah oo iyana la geeyay magaalada Boosaaso oo haatan lagu dabiibayo xaaladdooda caafimaad, taas oo muujineyso baaxadda khasaaraha gaaray Puntland.

Ciidamada ayaa weli howlgalkooda sii wada, waxayna isku hareereeyeen aagga Ceelka Maraagaale ee togga Baallade oo ah halka lagu dagaalamay halkaas oo ay ku go’doonsan yihiin maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish, iyaga xasaaskooda iyo carruutooda, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga ee Puntland.

Dhanka kale ciidanka Puntland ayaa shalay gudaha u galay Ceelka Yucrin oo isna ku dhow togga Baallade, halkaas oo weli kasii wadaan howlgal culus oo amni xaqiijin ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

“Allaahu Akbar Ciidanku waxay gudaha u galeen Ceelka Yucrin ee Togga Baallade, Labo Argagixiso ah ayaa lagu dilay, hawlgalka ayaa sidoo kale ka socda Ceelka maraagaale, dhammaan waxay ka tirsanyihiin Togga Baallade” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana ujeedka Puntland uu yahay in aaggaasi laga tirtiro maleeshiyaadka argagixisada ah ee kooxda Daacish ee haatan kasii firxanaya halkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News