Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaiya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaarhiisa Mudane Xamse Cabd Barre oo qoraallo soo saaray ayaa ka hadlay doorashada gudddoonka baarlamaanka cusub ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya oo maanta ka qabsoontay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xassan, isaga oo tilmaamay in doorashadan ay muujineyso tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dhismaha dowladnimada iyo hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya danta shacabka iyo horumarinta deegaanka.
“Waxaan Guddoomiyaha cusub u rajaynayaa in Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, anigoo aaminsan in uu door muuqda ka qaadan doono xaqiijinta dowlad-dhiska, dhammaystirka geeddi-socodka doorashada iyo ilaalinta sharciga” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa isaguna diray hambalyo tan lamid ah, wuxuuna guddoomiyaha la doortay Alle uga baryay in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo igmaday, oo ay kamid yihiin dhammeystirka qeybaha ka haray doorashada hoggaanka maamulkaas.
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa ku ammaanay Xildhibaannada Golaha Wakiillqda sida ay uga soo dhalaaleen mas’uuliyaddooda, isagoo xusay in Xukuumadda DanQaran ay sii wadi doonto taageerada iyo taabbagelinta maamulka, si wadajir loogu xaqiijiyo howlaha ka dhimman maamulka dhammeystirkooda.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dowladda Federaalku ay dadaal badan ku bixisay dhismaha iyo hirgelinta maamulka dowlad goboleedka Waqooyi Bari oo u taagan xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Dr. Aadan Cabdullahi Aw-Xasan oo kusoo baxay cod aqlabiyad leh ayaa hayb ahaan kasoo jeeda Beesha Hawiye, Cayr, Fiqishini, waana musharraxii ay dhiseysay Dawladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kale wuxuu kamid yahay garabka Firdhiye, tan oo sii go’aamin karta natiijada doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi.
Dhismaha maamulkan ayaa waxaa waqti badan gelisay xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamse, waxaana illaa iyo hadda Laascaanood ku maqan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya oo goobjoog ka ah howlaha dib u dhiska maamulka cusub ee Waqooyi Bari, wuxuuna weli dadaallo dheeraad ah ka wadaa halkaasi.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in doorashada hoggaanka maamulkan ay shaqsi gaar ah u wadato Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo galaangal xooggan ku leh hannaanka doorasho ee maamulkaasi, waana hoggaamiyaha hadda talada haya ee Cabdulqaadir Firdhiye oo dhowaan ku biiray xisbiga wayn ee uu dhisay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Dowladda dhexe ayaa dooneysa in maamulka cusub uu mar kale hoggaamiyo Firdhiye oo kumeel-gaarkii kasoo saaray, halka ay jagada madaxweyne ku-xigeenka la sheegay inay u xulatay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Jibriil oo ka soo jeeda Sanaag, kaas oo ka baxay Puntland, kadibna dhaq-dhaqaaq culus ka bilaabay Waqooyi Bari.
Si kastaba, maamulkan cusub ayaa ah natiijo ka dhalatay colaad dhiig badani ku daatay, taas oo marxaladdo kala duwan soo martay, ugu dambeyntiina dhashay maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya

