Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) oo ka tirsanaa Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baalamaanka Soomaaliya ayaa maanta is-casilay, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa.
Sadiiq Afweyne oo ah wiil uu dhalay xidhibaanka ayaa qoraal ku shaaciyay in Aabihiis uu iska casilay xilka xildhibaannimo sababo jiro aawgood, balse ma shaacin waxa ay yihiin.
Sidoo kale wuxuu go’aankan is casilaadda ah toos ugu wargeliyay bulshada reer Galmudug, gaar ahaan reer Cadaado oo uu metalayay xildhibaanku.
“Bismilah, waxaan halkaan ka cadeeynaya in aabahey Xildhiban mohamed abdi hassan (Afweyne) iska casilay xilkii Xildhibanimo ee uu ku matalaayay bulshada reer galmudug gaar ahaan reer cadaado asagoo uga tagay sababo jiro awgeed” ayuu yiri Sadiiq Afweyne.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) ayaa muddo kooban oo 5 bil ah ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kursigan loo soo doortay 4-tii March ee sanadkan 2025, isaga oo markaas soo buuxiyay, maadaama uu bannaanaa kursigan oo ah HOP#248.
Kursigan ayaa hadda kamid noqonaya kuraasta bannaan ee Golaha Shacabka Soomaaliya, iyada oo go’aanka & xilliga lasoo buuxinayo laga sugayo guddiga doorashooyinka qaranka.
Dhinaca kale warar kale oo madax bannaan ayaa sheegaya in kursigan dib loogu celinayo Saadaq Joon oo horay ugu fadhiyay, kaas oo waayay xubnimadiisa markii uu aqbalay xilka agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee (NISA).
Si kastaba, Xildhibaanka is casilay ee Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) ayaa ah nin caan ah oo aad looga yaqaano Galmudug oo uu xilal kasoo qabtay, sidoo kale wuxuu ninkan muddo 12 sano ah ku xirnaa dalka Biljamka, isaga oo loo haystay falal burcad-badeednimo. ah, waxaana lasoo daayay 10 sano kadib markii uu soo dhammeystay xukun ku dhacay.