Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin uu soo saaray Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa lagu sheegay in la soo afjaray howlgal socday muddo toddobaadyo ah, kaas oo lagu beegsaday fariisimo iyo aaggag ay ku suganaayeen Daacishta Soomaaliya.
“Howlgalka AFRICOM kaashanaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo gabagabeeyey hawlgal socday muddada laba toddobaad ah oo ku dhammaaday Agoosto 23-2025,” ayaa lagu yiri warbixinta.
Hawlgalkan oo ahaa weerarro cirka ah ayaa lagu beegsaday kooxda ISIS ee ku sugan deegaanno ka tirsan maamulka Puntland, gaar ahaan dhulka buuraleyda ah ee Golis oo ah meel ay ku dhuuntaan hoggaanka sare ee kooxda ISIS.
“Duqeymahan waxaa lagu beegsaday kooxda waxay caddeynayaan go’aankeena iyo sida ay nooga go’antahay inaan ka difaacno Mareykanka iyo saaxiibadeen halista argagixisada caalamiga ah,” ayuu yiri Janaraal Dagvin Anderson, oo ah Taliyaha Taliska AFRICOM.
Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxaan hambalyeynayaa ciidamada milatariga iyo shaqaalaha rayidka ah ee qeybta ka ahaa hawlgalkan, iyo sidoo kale saaxiibadeen Soomaaliyeed oo qeyb weyn ka qaatay fulinta hawlgalkan adag, Waxay muujiyeen heer sare oo qorsheyn iyo iskaashi ah, iyagoo beegsanaya urur doonaya inuu argagixiso u dhoofiyo Mareykanka iyo xulafadiisa.”
AFRICOM, oo kaashaneysa Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijooyinka hawlgalkan.
“Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin doono hawlgalkan si loo ilaaliyo amniga howlgalka,” ayaa lagu yiri warbixinta la soo saaray.
Taliska Mareykanka ee Afrika ma sheegin howlgalladaan cidda sida gaarka ah loogu beegsaday iyo khasaaraha ka dhashay midna.
Sidoo kale ma cadda in Mareykanka sii wadayo howlgalladiisa Soomaaliya ee ka dhanka ah ISIS, iyo in kale maadaama waxa hadda la soo gabagabeyay uu yahay howgal socday toddobaadyo.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa sanadkan horraantiisii amar ku bixiyay in la duqeeyo buuraha waqooyi-bari ee Soomaaliya, halkaas oo la aaminsanyahay in ay kooxda Daacish ku xooggantahay, qoraal uu xilligaas soo dhigay barihiisa bulshada ayuu Trump ku yiri “WAA KU HELI DOONAA, WAANA KU DILI DOONAA!”