28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Waqooyi Bari iyo arrin lagu dhawaaqay maanta

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa caawa saqdii dhexe geli doonta bandoow.

Bandowgan ayaa ujeedkiisu yahay si loo adkeeyo amniga, maadaama maalinta berri lagu wado in halkaas ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenka maamulka.

Guddiga doorashada maamulka ayaa shacabka ku wargeliyay inay haystaan waqti ay ku soo iibsan karaan agabka daruuriga ah, si aysan u dareemin dhibaato inta lagu guda jiro howsha doorashada hoggaanka cusub.

Sida ku cad go’aannada guddiga, si buuxda ayaa loo mamnuucay in magaalada lagu dhex rido rasaas, in hub lala soo galo iyadoo aanay ciidamada amniga rasmi ah wadan, iyo sidoo kale tallaabo kasta oo amniga wax u dhimi karta ama keeni karta jahawareer.

Doorashada madaxweynenimada maamulka ayaa waxaa ku tartamaya shan musharrax, halka xilka ku-xigeenkana ay u sharaxan yihiin shan kale, sida lagu xusay qoraalka rasmiga ah ee guddiga diiwaan-gelinta iyo tartanka doorashada.

Mudada xil-haynta maamulka Waqooyi Bari ayaa noqon doonta shan sano, waxaana dhawaan la soo doortay guddoomiyaha golaha wakiillada iyo labadiisa ku-xigeen.

Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisana ayaa lagu wadaa in si rasmi ah maalinta berri loogu doorto magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari.

Musharaxiinta u tartamaya hoggaanka W/Bari ayaa waxay kala yihiin:

  1. Rashiid Faarax Maxamuud — Madaxweyne
  2. Cabdirisaaq Khaliif Axmed – Madaxweyne
  3. Jamaal Maxamed Hassan – Madaxweyne
  4. Cabdiqadir Axmed Firdhiye – Madaxweyne
  5. Maxamuud Yuusuf Xasan Madaxweyne
  6. Mumar Daahir Xasan – M/Ku-xigeen
  7. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil – M/Ku-xigeen
  8. Cabdirisaaq Maxamed Jaamac – M/Ku-xigeen
  9. Cabdulsataar Sh. Cismaan (Dhegacade) – M/Ku-xigeen
  10. Maxamed Cabdi Bulaale – M/Ku-xigeen
- Advertisement -

Read more

Local News