28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Soomaalida iyo muhaajiriinta kale ee ku nool UK oo cabsi xooggan ay soo wajahday

Bookmark
Bookmarked

Share

London (Caasimada Online) – Iyadoo xiisadaha ka dhanka ah dadka muhaajiriinta ah ay sare u kaceen guud ahaan Britain, ayaa qaxootiga ku nool gobolka Wiltshire ee galbeedka Ingiriiska waxay sheegeen inay aad uga baqayaan in ay guryahooda ka baxaan.

Maxamed waxa uu dalka UK yimid 2021-kii, isaga oo ka soo qaxay dalka ay dagaalladu aafeeyeen ee Suudaan. Hadda waxa uu haystaa aqoonsi qaxootinimo, waxana uu ka shaqeeyaa sidii maamule – balse waxa uu sheegay in isaga iyo qaxootiga kale aysan ka bixin guryahooda Swindon marka ay shaqada ka soo laabtaan, sababtoo ah waxa ay “ka baqayaan” in “la beegsado” ama “lagu garaaco”.

Dashi, oo UK ku timid iyada oo 13 jir ah, caruusadna ka ahayd Soomaaliya, ayaa ku baaqday in la siiyo dadweynaha wacyigelin dheeraad ah si ay “bulshooyinku isu soo dhaweeyaan”.

Hoggaamiyaha golaha deegaanka Swindon, Jim Robbins, ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo doodda ku saabsan socdaalka, balse wuxuu dadka ka niyad jabiyay in ay mudaaharaad ka dhigaan meel ka baxsan hoteel ay deggen yihiin dadka magangalyo-doonka ah.

Mudaaharaadyada ka dhanka ah muhaajiriinta ee bannaanka hoteellada lagu dajiyo qaxootiga ayaa ku fiday dalka oo dhan tan iyo markii ay ka bilowdeen Hotel The Bell ee Epping, Essex. Dad badan ayaa ku biiray mudaaharaadyadan.

Daawashada qalalaasaha bulsheed ee dalka oo dhan ka dilaacay ayaa Maxamed welwel ku abuuray.

“Markaan arko dad mudaharaadaya oo cid uga soo horjeeda dhalashadooda ama fikradooda siyaasadeed, waxaan dareemayaa inaanan ammaan ahayn,” ayuu yiri. “Waxay i xasuusinaysaa wixii ku dhacay waddankeyga.”

Dagaal sokeeye ayaa ka jiray Suudaan muddo tobannaan sano ah, iyadoo colaaddii ugu dambeysay ay bilaabatay 2023. Maxamed waxa uu ahaa 10 jir markii isaga iyo qoyskiisu ay ka qaxeen tuuladii ay degganaayeen ee Darfur, halkaas oo weerar ka dhacay uu sababay dhimashada 21 qof.

“Waxaan dhex cararnay kaynta si aan nafteena u badbaadino,” ayuu yiri. Maxamed waxa uu 18 sano ku qaatay xero barakac ka hor inta aanu ka bixin dalka.

‘Cabsi ku noolaanshaha’

Maxamed waxa uu sheegay in noloshii xerada qaxootiga ay ahayd “masiibo” sababtoo ah raggu awood uma lahayn inay bannaanka u baxaan, cabsi laga qabo in la dilo awgeed. Waxa uu sheegay in aanu sii adkaysan karin “cabsi ku noolaanshaha”, sidaas darteed ayuu isaga oo ka soo horjeeda rabitaanka qoyskiisa uga soo baxay si uu u helo “meel nabdoon oo ammaan ah”.

Waxa uu u safray Liibiya, Talyaaniga iyo Faransiiska, ka hor inta aanu isaga iyo siddeed kale ku dhicin safar khatar ah oo ay kaga soo tahriibeen Calais ilaa Dover.

Maxamed waxa uu sheegay in safarku khatar ahaa, naftiisana uu ka baqay, balse xitaa dalalkii uu marayay kuma dareemin ammaan buuxa, maadaama aanu helin taageero wanaagsan.

Markii uu yimid UK 2021-kii, Maxamed wuxuu yiri: “Waxaan dareemay ammaan, waxaanan yeeshay saaxiibo badan, dadkuna way saaxiibtinimo muujiyeen.”

Laakiin mararka qaar xaaladdu way mugdi noqotay. Isagoo ka baqaya in “la beegsado” ama “lagu garaaco”, ayuu yiri: “Maalmahan waxaan isku dayaa inaan is ilaaliyo, waxaan iska jooga guriga; markaan shaqada dhammaysto dibadda uma baxo.”

‘Dhisidda nolol’

Aabbaha Dashi waxa lagu dilay farmashiyaha qoyska oo ku yaalla Soomaaliya. Waxay noqotay dhibane gudniinka fircooniga ah, waxayna UK ku timid iyadoo caruusad yar ah, 13 jirna ah, si ay ula joogto ninkeedii loo guuriyey. Waxay sheegtay inay “dhibaato badan kala kulantay ninkeeda” nolosheeda UK.

“Lama hadli karin mas’uuliyiinta, ma aqoonin luqadda, maan garanayn sharciga iyo sida uu u shaqeeyo,” ayay tiri. “Aad baan u go’doonsanaa – waxay ahayd aniga iyo isaga.”

Dashi ayaa ugu dambayntii ka baxsatay ninkeedii, waxayna u mahad celineysaa UK, iyadoo tiri: “Waxay i siisay fursad mustaqbal iyo dareen ah dhisidda noloshayda. Hadda waxaan haystaa gabadh, mana doonayo in dhibaato kale na soo gaadho.”

Waxay sheegtay in haddii ay weli ku noolaato Soomaaliya, ay u badan tahay inay dareemi lahayd “cabsi la mid ah” sida dadka qaar ee Britishka ah ay ka qabaan muhaajiriinta, “laakiin waxbarashada iyo wacyiga ayaa fure u ah.”

“Aan isu keeno bulshooyinka, dadka British-ka ah iyo qaxootiga,” ayay tiri. Waxay rajaynaysaa in dadka ay is fahmi doonaan oo ay baran doonaan “sida loo wada shaqeeyo.”

Swindon waxa ay hore u lahayd saddex hotel oo lagu dajiyo magangalyo-doonka, balse hadda waxa jira hal kaliya, kaas oo ay ku nool yihiin wax ka yar 100 qof.

Hoggaamiyaha golaha deegaanka Swindon, Jim Robbins, ayaa soo saaray bayaan uu kaga codsanayo dadka deegaanka inaysan ku mudaaharaadin bannaanka hoteellada ay deggen yihiin qaxootiga.

Waxa uu yiri: “Tani macnaheedu maaha inaan rabno in la joojiyo ka hadalka arrinta muhaajiriinta, balse inta badan magangalyo-doonka magaalada waa qoysas. Ma rabno inaan aragno carruur horey uga soo carartay cabsi iyo khatar dibadda ah oo haddana gudaha Swindon cabsi ku dareema.”

Mr. Robbins ayaa sheegay in xildhibaanadu “fahmeen xoogga dareenka arrintan leedahay”. Balse wuxuu kula taliyay dadka mudaaharaadaya in ay “bartilmaameedsadaan kuwa wax go’aamin kara.”

Waxa uu yiri: “Arrintani ma aha mid dawladda hoose oo keliya khusayso, laakiin waxaan ka doorbidi lahayn in dadku ku mudaaharaadaan bannaanka xarumaha dawladda hoose ee jidka Euclid halkii ay ka hor istaagi lahaayeen hudheel ay carruurtu ku nool yihiin.”

Isha: BBC Somali

- Advertisement -

Read more

Local News