29.2 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Xiisadda Itoobiya iyo Masar oo usoo wareegtay gudaha Soomaaliya – Maxaa dhacay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa si adag uga jawaabtay hadalladii uu dhawaan jeediyay safiirka Itoobiya, kuwaas oo uu ku dhaliilay qorshaha ciidamada Masar loogu keenayo Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Masar ayaa lagu sheegay in Addis Ababa ay abuurayso shaki ku saabsan ujeedada ka dambeysa joogitaanka ciidamada Masar, kuwaas oo markii u horreysay ku biiraya howl-galka nabad ilaalinta Soomaaliya.

Masar waxay ku eedeysay Itoobiya in ay isku dayayso in bulshada caalamka iyo dalalka kale ee ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ay si khaldan u fahmaan ka qayb-galka ciidamada Masar ee howl-galka AUSSOM.

Ilo diblumaasiyadeed oo ka tirsan dowladda Qaahira ayaa tilmaamay in Itoobiya ay si ula kac ah u doonayso in la abuuro diidmo ka dhan ah ciidamada Masar ee Soomaaliya la geeyay.

Masar dhankeeda waxay caddeysay in hawlaheedu yihiin kuwo furan oo ku saleysan iskaashi, isla markaana aysan jirin wax qorshe sir ah oo ka dhan ah Itoobiya.

Ciidamadeeda waxaa lagu qeexay in ay ku shaqeynayaan nabad ilaalin iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab, balse Itoobiya ayaa ka qabta walaac xooggan, maadaama ay Masar kala dhaxeyso xiisadda Wabiga Nile-ka.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa soo dhaweysay ka qayb-galka Masar, iyadoo ku tilmaantay tallaabadan mid xoojinaysa amniga iyo xasilloonida dalka.

Sidoo kale, Golaha Ammaanka iyo nabadgelyada Midowga Afrika ayaa horey u ansixiyay qorshaha lagu darayo ciidamada Masar, halka tababarkii ugu horreeyay ee loo diyaariyay ciidamadaas uu si guul leh u soo dhamaaday.

Bishii August 2024, Muqdisho iyo Qaahira ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi milatari oo shan sano soconaya, iyadoo Masar intaas kadib u dirtay Soomaaliya aga milatari.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkaysatay in go’aanka ciidamada Masar loogu soo daray howl-galka uu yahay mid madax-bannaan oo ay labada dal gaareen, isla markaana uusan wax saameyn ah ku lahayn khilaafka siyaasiga ah ee Itoobiya.

- Advertisement -

Read more

Local News