26.2 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Xog: Wada-hadalladii DF iyo Somaliland oo dib loo billaabayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa billowday dadaallo ay dib ugu soo nooleynayso wadahadalladii hakadka galay ee u dhexeeyey dowladda federaalka Soomaaliya iyo gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland, sida ay ilo diblomaasiyadeed u sheegeen Caasimada Online.

Tallaabadan ayaa ah isku day cusub oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda ka taagan Geeska Afrika, kaddib markii heshiis dekedeed oo muran badan dhaliyay oo ay Somaliland la gashay Itoobiya uu carqaladeeyay dadaalladii hore ee socday.

Dadaalkan waxaa hoggaaminaya madaxweynaha muddada dheer ee Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Wuxuu ku soo beegmayaa xilli uu isbeddel hoggaamineed ka dhacay Somaliland, waxaana looga gol leeyahay in dib loogu dhiso kalsoonidii si weyn u dhaawacantay kaddib heshiiskii baddeed ee ay Muqdisho ku tilmaantay “gardarro qaawan”.

Xiriirka u dhexeeya Jabuuti iyo Somaliland ayaa soo hagaagay tan iyo markii Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, oo loo yaqaano “Cirro”, uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada Somaliland bishii Nofeembar 2024. Maamulkiisa ayaa muujiyay inuu diyaar u yahay inuu dib u furo wadahadalka Muqdisho, isagoo ka tallaabsanaya habkii iska hor-imaadka ahaa ee madaxweynihii ka horreeyay.

Geelle ayaa soo dhoweeyay furfurnaantaas, balse wuxuu ku riixayaa in la maro geeddi-socod habaysan oo leh “tilmaamo cad oo ku saabsan dib u bilaabidda wadahadallada iyo xuduudo adag oo aanu maamulka gooni-u-goosadka ahi ka tallaabsan karin,” sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah oo gobolka ku sugan.

Saameynta heshiiskii Itoobiya

Dadaalka Jabuuti wuxuu daba socdaa fashilkii ku yimid isku day hore oo wadahadal ah. Bishii Diseembar 2023, Jabuuti waxay martigelisay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyihii xilligaas ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kuwaasoo ku heshiiyay inay ka shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa iskaashi dhow.

Laakiin wax kayar laba maalmood kaddib, Biixi wuxuu Heshiis Is-afgarad (Memorandum of Understanding) la saxiixday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Heshiiskaas wuxuu Itoobiya oo aan bad lahayn siinayay kiro 50 sano ah o ah dhul dhan 20 kiilomitir (12 mayl) oo ka mid ah xeebta Somaliland, si ay uga dhisto saldhig ciidan badeed iyo deked ganacsi. Taas beddelkeeda, Itoobiya waxay Somaliland u ballanqaadday saami ay ka siinayso shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines, iyo tan ugu muhiimsan, suurtagalnimada in ay aqoonsi diblomaasiyadeed siiso Somaliland.

Somaliland, oo madax-bannaanideeda ku dhawaaqday 1991-kii balse aan helin aqoonsi caalami ah, heshiiskan wuxuu u ahaa mid lagu soo dhoweeyay guul taariikhi ah. Si kastaba ha ahaatee, Muqdisho waxay u aragtay inuu yahay xadgudub culus oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Heshiiska Is-afgaradka ah wuxuu sidoo kale walaac ku abuuray dowladda Jabuuti. Dekeddeeda waxaa mara in ka badan 95 boqolkiiba ganacsiga Itoobiya, waxaana soo bixitaanka deked kale oo ay Itoobiya maamusho oo deris la noqonaysa loo arkay khatar toos ah oo ku wajahan dhaqaalaheeda iyo amnigeeda. Taas oo jawaab u ah, Jabuuti waxay dib u cusboonaysiisay Heshiiskii Iskaashiga Difaaca (Defence Cooperation Treaty) ee ay la leedahay Faransiiska si ay u xoojiso difaaceeda.

Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cirro, ayaa la sheegay inuu u furan yahay wadahadallada, inkastoo “uu ka taxadarayo inuusan ku dheeraan khaladaadkii siyaasadeed ee madaxweynihii isaga ka horreeyay, kuwaas oo carqaladeeyay geeddi-socodkii hore ee wadahadalka,” sida uu Caasimada Online u sheegay diblomaasi xog-ogaal u ah arrimahan.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News