Nairobi (Caasimada Online) – Prof Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ah aqoonyahan ku nool magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, isla markaana falanqeeya arrimaha gobolka ayaa mar kale soo hadlay, isaga oo usoo jawaabay Puntland oo dhawaan laamaha ammaanka Kenya ka dalbatay inay soo qabtaan, si baaris dheeraad ah loogu sameeyo.
Puntland ayaa ku eedeysay Prof. Cabdiwahaab inuu taageeray argagixisada caalamiga ah ee Daacish, taas oo Puntland kula dagaallamayso buuraha gobolka Bari.
“Waxaan odhan lahaa laamaha ammaanka ee Kenya waa inay waydiiyaan Cabdiwahaab sababta uu Daacish u taageeray. Caalamku wuxuu isku raacsan yahay in Daacish tahay argagixiso caalami ah, qof kasta oo taageero siiyana shuruucda dawliga ah ee dalalka kala duwani si isku mid ah ayay maxkamadayn karaan,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir.
Intaas kadib waxaa soo hadlay Prof Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo sheegay in hadalkiisa ay siyaasadeen madaxda Puntland, waxaana uu tilmaamay inay ku qarinayaan xadgudubyo waa waayn oo uu sheegay inay ka gaysanayaan gudaha maamulkaasi.
“Waxaan leeyahay dadka siyaasiyiinta ah ee hadalkeyga xanafta u yeelay ee ku qarinaayo dhibaatada uu maamulka Puntland ka wado Suudaan taariikhda aya runtii garsoore noo noqon doonta iyada ayaa sheegi doonto in waxa ay sameynayaan ay yihiin wax ka baxsan qiyamka, akhlaaqiyaadka iyo sooyaalka Soomaaliya” ayuu yiri Prof Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka caalamiga ah ee Universal.
Sidoo kale wuxuu iska tiray eedda loo jeediyay ee ah inuu xiriir la leeyahay kooxda Daacish wuxuuna tilmaamay in lagu been abuurtay, isaga oo xusay inuu taageersanahay dagaalka ay ciidamada Puntland kula jiraan ajaaiibta kusoo duushay gudaha dalka.
“Midda ay leeyihiin Prof Cabdiwahaab wuxuu la saftay Daacish taa waa hadal been ah oo runtii la marin habaabiyay waxaan la hadlayaa saraakiisha iyo ciidamada, waxaana u caddeynayaa inaan garab taaganahay” ayuu mar kale yiri Prof Cabdiwahaab Sheekh.
Horay Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo wareysi bixiyay ayaa ku sheegay in dagaalka Puntland kula jirto kooxda Daacish uu yahay xayeysiis loo samaynayo madaxweyne Siciid Deni, oo ay riixayaan dalal shisheeye, hadalkaas oo dhaliyay caro xooggan, waxaase mar kale uu iftiimiyay hadalkiisa isaga oo caddeeyay in si khaldan loo dhigay, uuna ciidanka ku taageersanyahay dagaalka argagixisada ee ka socda Calmiskaad.

