Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax miino oo maanta lala beegsaday ciidan ka tirsan kuwa Puntland oo ka dhacay qaybo kamid ah Buuraha Calmiskaad oo ay weli ka socdaan howlgallo ka dhan ah kooxda Daacish.
Weerarka qaraxa ah ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Markadaan, oo u dhow halka loo yaqaano Turmusaale oo kamid ah meelihii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay Daacish.
Qaraxa ayaa haleelay gaari ambalaas ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Puntland, waxaana ku dhintay 3 askari oo uu ku jiro sarkaal sare, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Sidoo kale, waxaa qaraxa ku dhaawacmay askar kale oo la socotay baabuurka la beegsaday, iyada oo miinada loogu aasay waddada dhinaceeda.
Kooxda Daacish ayaa horay sidaan oo kale aagga Calmiskaad uga fulisay weerarro noocan oo kale ah, kuwaas oo sababay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac.
Weerarkan cusub ayaa sidoo kale muujinayo in weli Daacish ay awood u leedahay inay qaraxyo ka fuliso halkaasi, waxaana inta badan ay adeegsataa kooxo guur guura oo ka dhuumaaleysanaya ciidamada, maadaama Daacish lagu jabiyay howlgallada haatan socda.
Saraakiisha laamaha amniga ayaa dhankooda sheegaya in ay jiraan dad deegaanka ah oo gacan saar la leh kooxda, una fududeeya weerarada balse ay ka hortagi doonaan, si tallaabo looga qaado maleeshiyaadka argagixisada ah iyo kuwa la shaqeeya intaba.
Si kastaba, Qaraxan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ciidamada ay sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadka kooxda Daacish, ujeedkana uu yahay in laga saaro dhulkaasi.
Howlgalka ayaa haatan galay wajigiisa 4-aad, waana cir iyo dhul, iyada oo Puntland ay ka sheegatay guullo waa wayn oo wax ku ool ah, maadaama la xoreeyay dhul ballaaran.

