29 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Sirta qorshaha Imaaraadka Carabta ee la-wareegista Marinka Gaza oo la kashifay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaza (Caasimada Online) – Xilli uu Marinka Gaza la daalaa dhacayo duqeyntii ugu dhimashada badnayd taariikhdiisa casriga ah iyo xasuuq, ayaa ilo diblomaasiyadeed oo Carbeed iyo kuwa Reer Galbeed ah sheegayaan in dalka Imaaraatka Carabta uu soo bandhigay qorshe dhigaya in deegaankaas la hoos geeyo maamul Mareykan ah, loona beddelo goob maalgashi oo aan lahayn wax iska-caabbin hubeysan ah iyo hoggaan siyaasadeed oo Falastiini ah.

Sida ay sheegeen ilahaasi, qorshahan ayaa saadaalinaya in la dhiso maamul ku-meelgaar ah oo uu Mareykanku taageerayo si uu u maamulo Gaza, iyadoo ay wehlinayso “hub-ka-dhigis” iyo “siyaasad-ka-saarid” adag.

Dib-u-dhiska waxaa maalgelin doona dhaqaale ka imanaya Imaaraatka iyo Sacuudiga, halka xeebta Gaza ee badda Mediterranean-ka loo suuq geyn doono sidii xarun dalxiis iyo maalgashi oo la qaab ah kuwa Khaliijka.

Hindisahan ayaa loo dhigayaa mid ah qorshe nabadeed oo dagaalka ka dambeeya, balse dadka dhaliila ayaa sheegaya inuu Falastiiniyiinta ka dhacayo awooddooda siyaasadeed, madax-bannaanidooda, iyo aqoonsiga xuquuqdooda taariikhiga ah.

Dowladda Washington, inkastoo ay si fagaare ah ugu baaqeyso hakad bani’aadannimo oo dagaalka lagu joojinayo, haddana waxay qiratay inay dib-u-eegis ku hayso “fikrado” uga yimid xulafadeeda gobolka oo ku saabsan mustaqbalka Gaza marka Xamaas awoodda laga tuuro.

Imaaraatka Carabta ayaa ka mid ah dalalka ololeynta ugu adag u sameynaya hannaan ku dhisan deganaansho dhaqaale oo lagu maalgeliyo raasamaal shisheeye, amnigiisana lagu sugo kormeer militari oo Mareykan ah.

Dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa fikraddan ku tilmaamay nooc cusub oo gumeysi ah. Waxay ku doodayaan, in iyadoo burburka Gaza laga dhigayo aag siyaasadda ka maran oo loogu talagalay maalgashadayaasha, uu qorshahani ka hormarinayo danaha shisheeye baahiyaha dadka deegaanka u dhashay.

“Farriintu waa iska caddahay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka u ololeeya. “Waa in Falastiiniyiintu ay meesha ka baxaan si loogu banneeyo ganacsiga.”

Ururada xuquuqda aadanaha iyo hay’adaha Falastiiniyiinta ayaa diiday hindisahan, iyagoo ka digay in ku soo rogidda qaab-dhismeedyo maamul oo aan haysan oggolaanshaha Falastiiniyiinta ay sii hurin doonto xasilooni-darro dheeraad ah, ayna sii adkeyn doonto qabsashada muddada dheer jirta.

Waxay hoosta ka xariiqeen in isku-day kasta oo lagu doonayo in lagu tirtiro aqoonsiga Falastiiniyiinta — ha ahaato mid lagu qaadayo olole militari ama qorshayaal dagaalka ka dambeeya — uu yahay mid guuldarreysan doona.

- Advertisement -

Read more

Local News