Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u billowday qorshe lagu kala saarayo ciidanka xoogga dalka, iyadoo howshaas loo xil-saaray guddi farsamo oo saraakiil ah.
Munaasabad lagu sagootinayay xubnaha guddiga loo xil-saaray in ay ka shaqeeyaan dib-u-habeynta ciidanka xoogga dalka ayaa ka dhacday xarunta Wasaaradda gaashaandhigga, taasi oo goobjoog uu ka ahaa Wasiirka Wasaaradda, Axmed Macallin Fiqi.
Guddigan ayaa waxaa ku mideysan Wasaaradda Gaashaandhigga, Wasaaradda Maaliyadda, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xafiiska Amniga Qaranka, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Kulankan sagootinta waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga, Cumar Cali Cabdi, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Gaas Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Dhulka, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo sidoo kale saraakiil kale oo ka tirsan taliska ciidanka xoogga.
Guddiga farsamo ee la magacaabay ayaa laga rabo inay kala saaraan askarta hawl-gabka ah iyo kuwa shaqeeya, ayna hubiyaan joogitaanka ciidanka ee xarumahooda, sida uu sheegay Wasiir Axmed Macallin Fiqi.
Sidoo kale, guddigan ayaa loo igmaday hirgelinta nidaamka casriga ah ee aqoonsiga faraha, iyadoo ujeedada arrintani yahay in la xaqiijiyo isla-xisaabtan iyo daahfurnaan.
Wasiir Fiqi wuxuu intaas ku daray in barnaamijkan uu qayb ka yahay fulinta Xeer Madaxweyne Lr.238, kaas oo qeexaya hab-raaca dib-u-habeynta ciidanka, si loo helo ciidan tayo leh oo guta waajibaadka difaaca qaranka.





