30.9 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

Safiirka MAREYKANKA oo shaaciyey ballan-qaadka dowladdiisa ee Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku celisay taageerada ay la garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab iyo ISIS (Daacish). Washington ayaa sheegtay in iskaashiga labada dhinac uu xoojinayo nabadda, xasilloonida iyo amniga guud ee dalka.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Richard H. Riley, ayaa sheegay in Mareykanku uu si dhow ula shaqayn doono Xafiiska La-taliyaha Amniga Qaranka (NSA) iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) si loo wiiqo khatarta argagixisada ee ka jirta Geeska Afrika.

Hadalkan ayuu Danjire Riley ka jeediyay kulan uu ku yeeshay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay La-taliyaha cusub ee Amniga Qaranka, Danjire Aweis Xaaji Yuusuf Axmed, kaas oo dhawaan xilka kala wareegay Xuseen Sheekh Cali.

“Mareykanku muddo dheer ayuu ahaa lammaane muhiim u ah Soomaaliya iyo hawlgalka AUSSOM ee lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada. Argagixisadu waa khatar weyn oo ku wajahan Soomaaliya, gobolka iyo caalamka intiisa kale,” ayuu yiri Riley oo qoraal ku daabacay bartiisa X.

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan rajaynaynaa inaan si dhow ula shaqayno Danjire Aweis si aan uga hortagno caqabaddan halista ah, taasoo u baahan diiradda, dadaal iyo taageero mideysan oo ka imanaya dhammaan saaxiibada iyo lammaanayaasha amniga Soomaaliya.”

Kulankan ayaa dhacay maalmo kadib booqashadii Muqdisho uu ku yimid Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin Anderson. Intii uu joogay, Anderson ayaa ballanqaaday iskaashi dhow oo ka dhex dhaca AFRICOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“Weerarradan awoodda leh waxay caddeynayaan go’aanka iyo ballanqaadka Mareykanka ee ah in la difaaco muwaadiniintiisa iyo saaxiibadiisa, ayna si wadajir ah uga hortagaan khatarta argagixisada caalamiga ah,” ayuu yiri Jeneraal Anderson.

“Waxaan la kulannaa khatar mideysan, sidaas darteed waa inaan si wadajir ah uga jawaabnaa,” ayuu ku daray.

Dowladda Mareykanka ayaa si gaar ah u tababarta una qalabaysa Cutubka Danab ee CXDS, kuwaas oo door muhiim ah ku leh dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Sidoo kale, Mareykanku wuxuu si dhow ula shaqeeyaa Ciidamada Ka-hortagga Argagixisada ee Puntland si loo yareeyo dhaqdhaqaaqa kooxda Daacish ee ku sugan gobolkaasi.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sanadkan ka fuliyay Soomaaliya duqeymihii cirka ahaa ee ugu badnaa abid mudadii ku dhoweyd 20-ka sano ee uu jiray.

Sida la xaqiijiyay Isniintii, tirada guud ee duqeymaha Taliska AFRICOM ayaa gaartay 72, waana tii ugu badneyd ee sanad gudihiisa la fuliyo, iyadoo weerarro is-daba-joog ah ay dhaceen intii uu socday howlgal ballaaran oo laba toddobaad qaatay oo ka dhan ahaa dagaalyahannada al-Shabaab.

Howlgalka sanadkan ee ka dhanka ah al-Shabaab iyo faraca kooxda Dowladda Islaamiga ah (Daacish) ee dalka ka howlgala ayaa tirada duqeymaha ee Soomaaliya ka dhigay inay dhaafto rikoorkii hore oo ahaa 63 duqeyn sanadkii 2019. Duqeymahan xooggan ayaan muujineyn wax calaamad oo ah inay gaabinayaan.

Marka laga soo tago duqeymaha cirka ah, howlgalada joogtada ah ee AFRICOM ee Soomaaliya waxaa ka mid ah tababarka iyo la-talinta ciidamada dhulka ee maxalliga ah. Kororka ku yimid duqeymaha cirka ah ayaa sidoo kale ku soo beegmay awaamiir uu bishii Janaayo soo saaray Xoghayaha Difaaca, Pete Hegseth, taasoo awood dheeri ah oo go’aan qaadasho ah oo ku saabsan duqeymaha cirka ah siisay taliyeyaasha AFRICOM.

Toddobaadkii hore, General Dagvin Anderson, oo ah hoggaamiyaha cusub ee taliska fadhigiisu yahay Stuttgart, ayaa booqashadiisii ugu horreysay ku tagay Soomaaliya isagoo ah madaxa howlgalada milateri ee Mareykanka ee qaaradda.

Magaalada Muqdisho, Anderson wuxuu kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo mas’uuliyiin kale, iyagoo ka wada hadlay halisaha ka imanaya dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News