Kathmandu (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Nepal, KP Sharma Oli ayaa ku dhawaaqay inuu xilka iska casilay, kaddib kacsanaan xooggan oo ka dhalatay dilka 22 qof oo lagu helay iska horimaadyo dhexmaray booliska iyo dibadbaxayaal kasoo horjeeday musuq-maasuqa.
War kasoo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in go’aankiisu uu salka ku hayo rabitaanka ah in xal sharciyeed oo waara loo helo bannaanbaxyada ballaaran ee ka socda dalka, kuwaas oo inta badan ay hormuud u yihiin dhallinyarada ka cabanaysa eedeymo musuq-maasuq.
Bannaanbaxyadaas ayaa ku soo baxay markii la soo rogay xayiraad ku saabsan baraha bulshada, taas oo markii dambe dib loo laalay.
Mudaaharaadyada ayaa si degdeg ah u noqday rabshado ballaaran, iyadoo kumannaan qof oo intooda badan dhalinyaro sheeganaya inay ka tirsan yihiin jiilka Gen Z ay isugu soo baxeen waddooyinka caasimadda Kathmandu.
Waxay wateen boodhadh iyo boorar muujinaya cadhadooda, halkaas oo ay ku muujinayeen baaqyo ka dhan ah musuqmaasuqa.
Isku dhacyada ayaa sababay dhaawacyada ku dhowaad 200 qof, kadib markii booliska ay adeegsadeen rasaas nool, biyo cadaadis ah iyo sunta dadka ka ilmeysiisa.
Dibadbaxayaasha qaar ayaa fuulay darbiyada baarlamaanka iyo xarumo kale oo dowladda ay leedahay, taas oo sii hurisay xiisadda taagneyd.
Dad badan oo dhaawacyo kala duwan ka soo gaaray rabshadihii dhacay ayaa la gaarsiiyey isbitaallada ku yaalla deegaanka, halkaas oo ay ku soo qulqulayeen dadweyne badan oo u damqaday.
Inkastoo Ra’iisul Wasaaruhu xilka iska casilay, haddana weli lama caddeyn cidda booskiisa buuxin doonta iyo jihada siyaasadeed ee xigta, iyadoo xaaladdu u muuqato mid aan hoggaan rasmi ah lahayn.
Warar soo baxay ayaa tilmaamaya in qaar ka mid ah madaxda dowladda, oo ay ku jiraan wasiirro, ay difaac ka raadsadeen ciidamada ammaanka. Dhanka kale, shacabka dibadbaxaya ayaa si adag uga horyimid bandow aan waqti cayiman lahayn oo lagu soo rogay caasimadda Kathmandu iyo gobollo kale.
Bannaanbaxayaasha ayaa ku adkaysanaya baahida loo qabo isla xisaabtan dhab ah iyo dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameeyo hannaanka maamulka.
Hase yeeshee, khubarada amniga ayaa ka digaya in rabshaduhu sii fidaan haddii dowladdu ku guuldareysato inay tallaabooyin wax ku ool ah qaaddo, gaar ahaan maadaama ardayda iyo ururrada bulshada rayidka ah ay hadda ku biireen kacdoonka.

