Muqdisho (Caasimada Online) – Shir lagu aas-aasayay Gole Baarlamaan cusub oo mideynaya sharci dejiyayaasha qaaradaha Afrika iyo Aasiya ayaa lagu qabtay magaalada Beirut ee caasimadda dalka Lubnaan.
Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya ku matalayay Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Aadan Daahir (Caanooy) oo ka tirsan Golaha Shacabka.
Sidoo kale, Senator Samiira Maxamuud Xaaji oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa qeyb ka ahayd wafdiga matalayay Soomaaliya.
Xubnahaasi ayaa ka qeyb qaatay kulamo iyo dooddo lagu gorfeynayay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta baarlamaannada labada qaaradood.
Waxaa sidoo kale looga hadlay kobcinta wada-hadalada siyaasadeed iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashi horumarineed oo waxtar u leh Afrika iyo Aasiya.
Aas-aaska golahan cusub ee Baarlamaanka ayaa loo arkay astaan muujinaysa dadaal lagu xoojinayo midnimada iyo iskaashiga labada dhinac.
Shirka Beirut ayaa noqonaya tallaabo muhiim ah oo muujinaysa rabitaanka sharci-dejiyayaasha Afrika iyo Aasiya ee ku aaddan dhisidda xiriir waara iyo iskaashi qotodheer.





