Muqdisho (Caasimada Online) – Mooshinkii ka dhanka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee ay wadeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn fashilmay, sida uu shaaciyay Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Waceys.
Xildhibaan Wacays ayaa sheegay in mooshinka xilka looga tuurayay Xamza Cabdi Barre la fashiliyay, taas oo ka dhigan in xukuumadda ay ku guuleysatay kala jebinta mudaneyaashii waday mooshinka.
Sidoo kale, xukuumadda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay dib u dhigto furitaanka kalfadhiga baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kaasi oo aan weli si rasmi ah u furmin.
“Ra’iisul Wasaaraha iyo baarlamaanka wada-shaqeyntooda waa tan keentay inuu noqdo ra’iisul wasaarihii ugu muddada dheera, taasna sababo badan ayaa saldhig u ah,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Wacays.
Sida uu horay u sheegay Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyar) mooshinka la doonayay in lagu rido xukuumadda Xamza ayaa lagu diyaarinayay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, kaasi oo markaas uu sheegay in ay saxiixeen xildhibaano gaaraya ilaa 120 mudane.
Sanyare ayaa sidoo kale sheegay in 23-ka bishaan oo ku beegan maalin Sabti ah ay qorsheeyeen in mooshinkaas la keeno kulanka baarlamaanka, si kalsoonida loogala noqdo Ra’iisul Wasaare Xamse iyo xukuumadiisa. Balse xukuumadda ayaa ku guuleysatay in dib loo dhigo furitaanka kalfadhiga baarlamaanka.
Si kastaba, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa noqday ra’iisul wasaarihii ugu xilka dheeraa, markii dib loo eego taariikhda intii ay xafiiska joogeen Ra’iisul Wasaarayaashii Soomaaliya soo maray, taasina waxaa sabab u ah kalsoonida uu Madaxweyne Xasan Sheekh u qabo Ra’iisul Wasaarihiisa.

