29.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

DF oo shaacisay laba doorasho oo hortaal Cirro kadib qirashadii Biixi ee heshiiska badda

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa markii u horreysay ka hadlay qirashadii Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi uu ku sheegay inay heshiiskii badda uga adkaatay dowladda Soomaaliya.

Fiqi ayaa sheegay in hoggaanka Somaliland ay hortaallo laba doorasho midkood, isagoo mid kamid ah xusay inay u dheef badan tahay maamulka 30 sano ka badan raadinayay aqoonsiga.

“Hadalka Biixi marka la dhuuxo wuxuu taabanayay xaqiiqooyin ay tahay in la dul istaago, wuxuu ahaa duruus ay qaadan karaan kuwa badan oo riyo ku nool, wuxuu tibaaxay in go’aanada caadifada lagu qaato ay riddo gaaban yihiin iyo in xaqiiqda si kasta oo la isaga indha-tiro darbigeeda la soo taabanayo,” ayuu Fiqi ku yiri qoraal uu soo saaray caawa.

Wasiirka ayaa sheegay in Biixi uu gadaal ka xaqiiqsasay in dowladda Soomaaliya oo keliya wax laga weydiinayo dhulkeeda, taas oo Muqdisho u sahashay inay garab u hesho dagaalkii heshiiska badda ee uu la gaaray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

“Kooxda cusub ee hadda tallada Somaliland qabatay, waxa ay kala dooranayaan xikmadda Einstein – “ku celcelinta fal laga filayo natiijo tii hore ka duwan” ama tii Maamo Edna – “haddii aan 33 sano oo kale cagaha dhulka ku yara hayno ictiraafkii waa la gaadhayaa,” ayuu yiri Fiqi oo tilmaamay in ay u dheef badan tahay jidka midnimada iyo wadajirka.

Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi oo dhameystiran:

Waxaan daawaday waraysi lala yeeshay Oday Muuse Biixi – hogaamiyihii hore Ee maamulka Somaliland, mar uu ka hadlayay heshiiskii isafgaradka ee uu la galay Raysulwasaare Abiy.

Hadalkiisa marka la dhuuxo wuxuu taabanayay xaqiiqooyin ay tahay in la dul istaago, wuxuu ahaa duruus ay qaadan karaan kuwa badan oo riyo ku nool, wuxuu tibaaxay in go’aanada caadifada lagu qaato ay riddo gaaban yihiin iyo in xaqiiqda si kasta oo la isaga indha-tiro darbigeeda la soo taabanayo.

Wuxuu qiray in looga adkaaday heshiiskii aan saldhigga sharci ku fadhin ee aadka loo buunbuuniyey isla markaana shuruucda caalamka u degsan xadgudubka ku ahaa ee sida hawtal-hamagnimada ah loo galay.

Oday Muuse wuxuu diblomaasiyadda Soomaaliya ku tilmaamay mid garab haysata oo guulaysatay, laakiin wuxuu ka meeraystay in waxa guulaystay ay ahayd in caalamku Soomaaliya u arko hal dal oo ay sharciyaddiisa hayso dawladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Dr. Hassan Sheikh Mohamud ayadana laga dhagaysanyo dhulkeeda.

Wuxuu si dadban hoosta uga xariiqay Xaaji Muuse; xikmaddii Einstein in uu yiri loo nisbeeyey ee ahayd: “waxaa doqonimo ah in isla fal aad ku celcelisid dhowr jeer adigoo ka filaya natiijo tii hore ka duwan”.

Kooxda cusub ee hadda talada Somaliland qabatay, waxa ay kala dooranayaan xikmadda Einstein ama tii Maamo Edna ee ahayd “haddii aan 33 sano oo kale cagaha dhulka ku yara hayno ictiraafkii waa la gaadhayaa”.

Jidka kala go’a ee dheer, waxaa ku gedaaman mugdi iyo hubantii la’aan, waxaana ka dhow kana dheef badan jidka midnimada iyo wadajirka!.

- Advertisement -

Read more

Local News