32.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Kenya oo ka digtay caqabad weyn oo Soomaaliya…

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ka digtay caqabadaha dhaqaale ee haysta howl-galka nabad ilaalinta Soomaaliya, kaasi oo horseedi kara halis amni haddii aan xal loo helin caqabadaha taagan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, Musalia Mudavadi ayaa warbixin diblomaasiyadeed ku muujiyay sida amniga dalkiisu ugu xiran yahay xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Mudavadi ayaa caddeeyay in Kenya ay ka go’an tahay ka qayb-galka hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo haatan loo yaqaan AUSSOM.

Wasiirka ayaa xusay in hawl-galkan uu la daala-dhacayo caqabado dhaqaale oo waaweyn, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara hawlihiisa muhiimka ah, sida tababarka iyo dhismaha awoodda ciidamada Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Mudavadi waxa uu ku baaqay in beesha caalamka ay si joogto ah u taageerto hawl-galka, iyagoo bixiya gargaar dhaqaale iyo farsamo, si loo xaqiijiyo guul iyo kala wareeg amni oo lagu kalsoonaan karo.

Hadalka wasiirka ayaa yimid kadib shir uu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, labo maalmood ka hor ku guddoomiyay magaalada Goba ee dalka Itoobiya, kaas oo lagu falanqeeyay sidii loo heli lahaa maalgelin dheeraad ah oo lagu taageero hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa haatan la daala dhacaya culeysyo maaliyadeed tan iyo markii la bedelay howl-galka AMISOM loona beddelay AUSSOM. Dhaqaale la’aantaas ayaa si toos ah u saameysay waxqabadka ciidamada iyo kalsoonida howl-galka, taasoo dhalisay walaac ku saabsan awoodda uu u leeyahay in uu la tacaalo xaaladda amni ee sii cakiran ee Soomaaliya.

Falanqeeyayaal arrimaha amniga iyo siyaasadda ah ayaa qaba in xal waara uusan ku imaan karin oo keliya joogitaanka ciidamada ajaanibta. Waxaa la is weydiinayaa sida ay suurtagal u tahay in amniga la sugo iyadoo aan jirin isfaham siyaasadeed oo gudaha ah.

- Advertisement -

Read more

Local News