32.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Muxuu yahay shirka ay Soomaaliya uga qeyb gashay Ruushka? + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

St Petersburg (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb-galay meertada 11-aad ee madasha caalamiga ah ee dhaqanka oo ka dhacday magaalada Saint Petersburg ee dalka Russia.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaiya, Daa’uud Aweys Jaamac. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galaya wufuud ka socda in ka badan 70 dal iyo ururro caalami ah.

Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa ka faa’ideysiga iyo adeegsiga dhaqanka iyo diblomaasiyadda si loo xoojiyo iskaashiga iyo nabadda caalamka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in dhaqanka uu yahay aalad diblomaasiyadeed oo xoojineysa isku xirka bulshooyinka kala duwan ee caalamka, iyadoo la ixtiraamayo ummad kasta dhaqanka ay leedahay.

Waxa uu xusay in xilligaan ay dunida soo food saartay caqabado kala duwan, ayna hubaal tahay in dhaqanka uu noqdo afka mideyna kara fikradahaka kala duwan ee caalamka ka jira.

Madaxda kale ee shirkaasi ka soo qeyb-galay ayaa iyaguna xusay sida ay lagama maarmaanka u tahay in dunida laga badbaadiyo colaado iyo iska hor-imaadyo hor leh, iyadoo la xoojinayo muhimadda dhaqamada kala duwan ee caalamka ka jira, lana abuuro fursado loo wada siman yahay oo dunida nabad u horseeda.

Sidoo kale waxay hoosta ka xariiqeen in la iska kaashado in colaadaha iyo dagaallada haatan socda lagu beddelo nabad, wada noolaansho iyo wax wadaqabsi.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxda ka qeyb-galaysa shirka.

Kulamadan ayaa looga wada-hadlay xoojinta iyo iskaashiga dhinaca horumarinta dhaqanka ee Soomaaliya iyo dalalkaasi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News