Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed kasoo saartay dagaal saaka ka dhacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya Macawiisleyda iyo kooxda Al-Shabaab.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamadu ay ka hortageen weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku soo qaadeen degmada Ceeldheer, kaasi oo ku bilowday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa. “Ciidanku waxay jab culus gaarsiiyeen cadawga,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.
Dagaalkaasi oo socday muddo saacad ah, waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kuwaas oo loo geystay xubnaha weerarka soo qaaday, iyadoo la soo bandhigay muuqaallo meydad oo ay halkaasi uga carareen Al-Shabaab.
Ciidanka ayaa dagaalkan ku dilay in ka badan 30 xubnood oo Shabaab ah, iyagoo gacanta kusoo dhigay maxaabiis ay ku jiraan horjoogayaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka, sida ay sheegtay dowladdu.
“Intii lagu guda jiray dagaalka, 6 askari oo ka tirsan geesiyaasha CXDS ayaa shahiiday, halka 14 kale ay dhaawacyo fudud soo gaareen iyagoo difaacaya shacabka iyo qaranka,” ayey xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo ciidamada deegaanka ayaa subaxnimadii maanta ka hortagay weerar ay kooxda argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab kusoo qaadeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud.
Ciidanku waxay jab culus gaarsiiyeen cadawga, iyagoo dilay in ka badan 30 xubnood oo Khawaarij ah. Sidoo kale, gacanta ayaa lagu soo dhigay maxaabiis ay ku jiraan horjoogayaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka.
Intii lagu guda jiray dagaalka, 6 askari oo ka tirsan geesiyaasha CXDS ayaa shahiiday, halka 14 kale ay dhaawacyo fudud soo gaareen iyagoo difaacaya shacabka iyo qaranka.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa hadda ku howlan howlgallo qorshaysan oo lagu baacsanayo firxadkii Khawaarijta, si loo ciribtirto kooxaha ku dhuumaaleysanaya nawaaxiga degmada Ceeldheer.
Wasaaradda Gaashaandhigga waxay bogaadinaysaa geesinimada iyo naf-hurnimada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo si joogto ah ugu taagan difaaca qaranka iyo ciribtirka Khawaarijta.

