32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog xasaasi ah: Doorkii Imaaraadka ee weerarkii ay Israa’iil ku qaaday Qatar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Warbaahinta Dark Box ayaa xaqiijisay, iyadoo adeegsaneysa ilo sirdoon oo muhiim ah oo gobolka ku sugan, in Imaaraadka Carabta ay horey u ogaayeen weerarkii ay Israa’iil Talaadadii ku qaaday Qatar.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in Imaaraadka ay si toos ah u fududeeyeen arrimo muhiim ah oo ku saabsanaa weerarka. Iskaashigan qarsoon ayaa astaan u ah heer cusub oo khatar leh oo ku saabsan siyaasadda Bariga Dhexe, halkaas oo colaadaha soo jireenka ah loo adeegsanaayo magaca “caadiyeynta xiriirka.”

Habeenkii 30-kii Agoosto, unugyo diyaarado dagaal ah oo Israa’iil leedahay ayaa fuliyay weerar elektaroonig ah oo si gaar ah loola bartilmaameedsaday xarun isgaarsiineed oo ku taal waqooyiga magaalada Doha. Xaruntan oo Qatar u adeegsan jirtay fariimaha qarsoon ee gobolka, islamarkaana Israa’iil ku eedaysay in ay xiriir la leedahay Xamaas, ayaa lagu weeraray teknoolojiyadda EMP iyo hub casri ah oo si sax ah loogu hago bartilmaameedka.

Inkastoo aanay jirin dhaawac dadweyne oo si rasmi ah loo shaaciyey, xog laga helay dayax-gacmeedyo iyo fariimo la jabsaday ayaa xaqiijiyay in weerarku dhacay. Ilo sirdoon oo reer Yurub ah ayaa sheegay in weerarku si ula kac ah loogu talagalay in lagu carqaladeeyo balse aan lagu burburin.

Doorka Imaaraadka Carabta

Dark Box ayaa ka soo xigatay laba sarkaal oo sare oo sirdoon Carbeed ah in ka qaybgalka Imaaraadku uu ahaa mid go’aan leh. Shaqsiyaad ka howlgalayay Cyprus iyo Eritrea ayaa gudbiyay xogta isgaarsiinta isla markaana xakameeyay isku xirka muddadii uu weerarku socday.

Tahnoun bin Zayed, oo ah la-taliyaha ammaanka qaranka ee awoodda badan ee Abu Dhabi, ayaa la sheegay inuu si shakhsi ah u ansixiyay hawlgalkan, kaddib markii uu helay warbixin Mossad soo bandhigtay bartamihii Agoosto.

Waxaa kale oo la sheegay in Imaaraadku ka caawiyeen Israa’iil inay diyaaradohooda ku duulaan marinno sir ah oo ka baxsan raadaarada Masar iyo Urdun, halka nidaamyada kormeerka Israa’iil ee Negev ay xog waqtiga-dhabta ah la wadaageen falanqeeyayaasha Imaaraadka ee xarun ku taal Abu Dhabi.

Dhinaca Israa’iil, ujeeddadu ma ahayn burburinta kaabayaasha Qatar balse waxay ahayd farriin—mid muujinaysa carqaladeyn iyo ceebeyn. Dhinaca Imaaraadka, hawlgalku wuxuu ahaa digniin siyaasadeed oo si toos ah loogu jeediyay Doha.

Qatar oo diiday inay ku biirto heshiiska Abraham Accords, maalgelinteeda Gaza, iyo saamaynta weyn ee ay ku leedahay warbaahinta iyada oo loo marayo Al-Jazeera ayaa muddo dheer ka caraysiinaysay Abu Dhabi iyo Tel Aviv. Sidaa darteed weerarkan wadajirka ah wuxuu ka tarjumayay dhoolatus siyaasadeed oo la mid ah awood muujin ciidan.

Qatar kama aysan hadlin dhacdadan si shaacsan, balse ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in kulan degdeg ah oo ka dhacay Amiri Diwan 1-dii Sebteembar uu sababay in si degdeg ah dib loogu habeeyo amniga iyo hababka sir-gelinta.

Sidoo kale Doha ayaa si hoose u billowday dib-u-eegis ku saabsan siyaasaddeeda diblomaasiyadeed ee dariskeeda Khaliijka iyo xitaa xiriirka ay la leedahay Israa’iil. Labada dhinac ee Israa’iil iyo Imaaraadka ayaa iska diiday inay ka hadlaan, iyaga oo doortay aamusnaan ay la socdaan daadadka sirta soo daadanaya.

Dhacdadan ayaa muujinaysa isbeddel qoto dheer oo ku yimid dheellitirka awoodda Bariga Dhexe. Imaaraadka oo hore ugu caan ahaa dhaleeceynta gardarrada Israa’iil ayaa hadda muuqda inay ka gudbeen heerkii xiriir qarsoodi ah una dhaqaaqeen iskaashi hawlgal oo toos ah—xitaa ka dhan ah dalal Carbeed. Dagaalka hoos ka socday ee muddo dheer la hadal hayay ayaa hadda muuqda inuusan sii qarsooneyn.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News