32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Soomaaliya oo qarka u saaran in ay isu bedesho goob dagaal

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka ka taagan biyo-xireenka Itoobiya ee GERD ayaa si muuqata u taabanaya ammaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Talaadadii ka qayb-galay daahfurka biyo-xireenkan, xilli Masar ay qorshaynayso inay ciidamo u dirto Muqdisho.

Warbixin cusub oo ay soo saartay Balqiis Insights ayaa tilmaamaysa in Soomaaliya ay halis ugu jirto inay noqoto goob dagaal wakiil looga dhigo, iyadoo ay isku dhacayaan danaha Masar iyo Itoobiya.

Masar waxay diyaarinaysaa qorshe lagu keeno ciidamo ku sugan gudaha Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo ay ku raadineyso saamayn ka xoog badan Geeska Afrika.

Tallaabadan waxaa saldhig u ah khilaafka ka dhashay biyaha Nile iyo biyo-xireenka Itoobiya, iyadoo xiisadihii 2024 ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay Masar siisay fursad cusub oo ay ku yeelato door muuqda.

Isla markaas, Masar waxay ku tala-jirtaa inay cadaadis saarto Itoobiya oo ay xannibto ballaarinteeda gobolka, halka dhinaca kale ay ku xoojineyso doorkeeda ku aaddan ammaanka Badda Cas iyo Bab-el-Mandeb.

Doorka milatari iyo siyaasadeed

Bishii September 2024, Masar waxay Muqdisho keentay hub culus oo ay ku jiraan madaafiic iyo nidaamyo lidka diyaaradaha. Sidoo kale, markab hub lagu raray ayaa ku soo xirtay dekedda caasimadda.

Waxaa la filayaa in saraakiisha Masar ay adeegsan doonaan khibradooda dagaalka ee ay ka heleen waqooyiga Siinaay si ay u tababaraan ciidamada Soomaaliya, iyadoo la qorsheynayo tababaro wadajir ah oo dhinacyada dhulka, cirka iyo badda ah. Masar waxay isku dayaysaa inay isu muujiso inay taageere u tahay midnimada Carabta iyo Afrika.

Si kastaba, Masar ma leh khibrad ballaaran oo ku saabsan xaaladaha dagaalka gudaha Soomaaliya marka loo eego dalalka dariska ah sida Uganda, Kenya iyo Itoobiya. Tani waxay noqoneysaa caqabad ku saabsan sida ay u wajahaan xaaladaha dhabta ah ee dalka ka jira.

Soomaaliya oo isu rogeysa goob dagaal

Iyadoo xaaladdu cirka isku sii shareereyso, Soomaaliya ayaa khatar ugu jirta inay noqoto goob dagaal wakiil u noqota loollanka Itoobiya iyo Masar ee ku saabsan GERD. Addis Ababa waxay ku eedeysay Muqdisho inay la safatay Qaahira, taas oo ujeedadeedu tahay wiiqista xasiloonida gobolka.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ku hanjabay in Itoobiya ay qaadayso tallaabo adag haddii ciidamo shisheeye halis ku noqdaan amniga dalkiisa.

Dhanka kale, Madaxweyne Cabdel Fataax Al-Sisi ayaa sheegay inuu difaaci doono Soomaaliya haddii ay la kulanto gardarro. Falanqeeyayaal badan ayaa ku digaya in xaaladdu isu beddeli karto dagaal toos ah haddii wadahadalada diblomaasiyadeed lagu guuldareysto.

Haddii ciidamo rasmi ah la geeyo Soomaaliya, waxay ka dhigan tahay isbeddel weyn oo ah in Muqdisho ay ka sii jeesaneyso saameynta Itoobiya, islamarkaana ay u sii dhawdahay xulafada la safan Masar, sida Sudan, Jabuuti iyo Ereteriya.

- Advertisement -

Read more

Local News