Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Waceys oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay in dalal shisheeye ay gadaal ka riixayeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.
Xildhibaan Wacays ayaa mooshinka xilka looga tuurayay Xamza ku sheegay “shirqool shisheeye oo soo abaabuleen dalal shisheeye” inkastoo xildhibaanka uusan magacaabin shisheeyaha ka dambeeyay mooshinkan.
“Ma jiro mooshin xil ka qaadis ah oo ku wajahan ra’iisul wasaaraha, laakiin waxaa jiray shirqool ay soo maleegeen dalal shisheeye iyo xoogag ku daaban oo soo dhexmaraya madax iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xildhibaan Wacays.
Waxa uu intaas kusii daray: “Dhinacyadan ayaa doonayay in ay qalalaase siyaasadeed ka dhex abuuraan goleyaasha dastuuriga ah ee dalka, gaar ahaan Golaha Shacabka iyo xukuumadda uu hoggaamiyo Mudane Xamza Cabdi Barre.”
Mooshinka looga soo horjeeday xukuumada Xamza ee xildhibaanku ku tilmaamay shirqool shisheeye ayuu sheegay sidoo kale in si dhameystiran loo fashiliyay. “Nasiib wanaag shirqoolkaas waxaa si dhameystiran kugu sheegayaa waa la fashiliyay,” ayuu yiri.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Ra’iisul Wasaaraha uu ka careysiiyay dalalka ka dambeeyay mooshinkiisa iyo siyaasiyiin uu sheegay inay weligoodba ku qanacsanaayeen wuxuu ugu yeeray “siyaasadda muufeysiga”.
“Soomaalida waa garanayaa madaxda aan sheegayo, ma doonayo ee waqtigeeda ayay iman doonta in la carabaabo. Soomaalidu wey ogyihiin madaxda Soomaaliyeed ee camiilada u ah waddamada shisheeye,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Wacays.
Hoos ka daawo muuqaalka

