32.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay buuraha Golis + Bartilmaameedka

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa shaaciyay in buuraha Golis ay ka fuliyeen duqeyn diyaaradeed oo ay ku beegsatay dagaal-yahaannada kooxda Daacish.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay ka dhacday godad dhaca togga Baallade oo ay ku go’doonsan yihiin kooxo ka tirsan maleeshiyaadka Daacish, oo ay ku jiraan horjoogayaal muhiim ah.

Howl-galkan ka dhacay buuraha Golis gaar ahaan Calmiskaad ayaa qeyb ka ah gulufka dagaal ee ciidamada Puntland ay kula dirirayaan kooxda Daacish, kaasi oo haatan laga gaaray natiijo wax ku ool ah.

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa isla maanta diyaaradihiisa dagaalka ku gaarsiiyay ciidamada Puntland saadka noocyadiisa kala duwan. Raxan ka mid diyaaradahan ayaa la arkayay iyagoo saad iyo saanad ciidan hawada uga dejinaya ciidamada.

Ciidankan ayaa badanaa ku sugan fiqda sare ee buuraha ku teedsan togga Baallade, sida uu xaqiijiyay taliska hawl-galka Calmiskaad.

“Diyaaradaha dagaalka Mareykanka waxay gaarsiiyeen noocyada kala duwan ee saadka iyo saanada ciidan oo dhammaystiran ciidamada Puntland ee dagaalka ka wada Calmiskaad,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan hawl-galka Calmiskaad.

Sahayda iyo saanadda ciidan ee Mareykanka u daadiyay ciidamada Puntland ayaa laga daabulay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Si kastaba, howl-galka Calmiskaad oo wejigiisi afaraad uu geba-gabo marayo ayay ciidamada difaaca Puntland ku sifaynayaan firxad ka tirsan Daacish oo weli ku go’doonsan godad kooban dhaca bartamaha togga Baallade.

Sida ay rumeysan yihiin saraakiisha hawl-galka, waxaa halkaasi ku dhuumaaleysanaya horjoogayaashii kooxda oo ay wehliyaan dumar iyo carruur, kuwaas oo ka cararay gulufka Calmiskaad.

- Advertisement -

Read more

Local News