Doha (Caasimada Online) – Haddii uu hal sawir oo ka tarjumaya tallaabada xad-dhaafka ah ee weerarkii Israel ay ku qaadday Xamaas ee dalka Qatar, waa sawirka Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Mohamed bin Zayed al-Nahyan, oo maalintii xigtay isku duubaya dhiggiisa Qatar, Amiir Tamim bin Hamad al-Thani.
Hoggaamiyaha Imaaraadka ayaa noqday kii ugu horreeyey ee booqda Doha, isagoo muujinaya isgarab-taag ka dhan ah weerarka Israel – tallaabo astaan weyn xambaarsan marka la eego in Qatar iyo Imaaraadku ay muddo dheer isku hayeen aragtiyo iska soo horjeeda oo ku aaddan gobolka.
In kasta oo labada dal ay si rasmi ah u heshiiyeen sanado ka hor, haddana qotodheerida khilaafkooda ayaa weli taagan, taasoo uu dareemi karo qof kasta oo la hadla mas’uuliyiinta ama dadka u dhuun-daloola labada dhinac.
Sida uu sarkaal sare oo hore uga tirsanaa sirdoonka Mareykanka u soo koobay Middle East Eye mar la weydiiyey falcelinta Madaxweyne Mohamed bin Zayed al-Nahyan ee ku aaddan weerarka Israel: “Waxaa laga yaabaa inuu qeyb la dhacsanaa waallida Israel ay ku dhiirratay ee ah inay weerarka fuliso, qeybna uu cabsi la il-darnaa.”
Weerarkii Israel ee Qatar ayaa la dhihi karaa wuxuu ahaa meeshii ugu sarraysay ee gardarrada sii kordhaysa ee gobolka, taasoo welwel gelisay boqorrada hodanka ah ee Sunniga ah ee Khaliijka, kuwaas oo xiriir qoto dheer la leh Mareykanka, ayna Washington muddo dheer ku taamaysay inay la mideyso Israel.
In ka badan 64,700 oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay xasuuqa ay Israel ka waddo Gaza, kaasoo kiciyey caro baahsan oo ka dhalatay dunida Carabta iyo Muslimka. Horaantii bishan, dawladda Israel waxay soo bandhigtay qorshe ay ku doonayso inay ku darsato Daanta Galbeed ee la haysto.
Boqorrada Khaliijka ayaa walaac muujiyey ka dib markii Israel ay weerar aan hore loo arag ku qaadday Iran bishii June, waxayna si taxaddar leh u daawanayeen iyadoo si aan naxariis lahayn u garaacaysa Lebanon iyo Syria, iyadoo isla markaasna haysata dhulal ballaaran oo ay leeyihiin dalalka deriska la ah, kuna amraysa Dimishiq meelaha ay ciidamadeeda geyn karto ee gudaha xuduudaheeda.
Dawladaha Khaliijku isku mid maaha, mid walbana waxay leedahay dano u gaar ah. Tusaale ahaan waa arrinta Syria, halkaasoo Sacuudi Carabiya, Qatar iyo Turkey ay isku dhinac ka soo jeedaan, halka Imaaraadku uu weli si aaminaad darro ah u eegayo dawladda Islaamiga ah ee Madaxweyne Axmad al-Sharca.
Calaamadaha muujinaya xiisadda Imaaraadka iyo Israel
Iyadoo xasuuqa Israel ee Gaza uu ku dhow yahay sannadkiisii labaad, weerarradeeda militarigana ay sii kordhayaan iyadoo ay ogolaansho ka haysato Washington, xiriirka ay la leedahay dawladaha Carabta ayaa wajahaya culeys.
Masar, oo ah dalkii ugu horreeyey ee Carbeed ee heshiis nabadeed la gala Israel, ayaa joojisay iskaashigii ay la lahayd, sida uu sheegay sarkaal sare oo Mareykan ah.
Dhanka kale, Sacuudi Carabiya ayaa si xooggan uga horyimid dadaallada Mareykanka ee ah in heshiis diblomaasiyadeed lala gaaro Israel iyada oo aan la abuurin dawlad Falastiini ah. Dhaxal-suge Mohammed bin Salman ayaa si fagaare ah ugu yeeray xasuuqa Israel ee Gaza mid dhab ah.
Iyadoo ay taasi jirto, Israel waxay ku tashanaysay xiriirka ay la leedahay Imaaraadka Carabta – oo ah saaxiibkeeda ugu adag dunida Carabta. Hadda, calaamado xiisad ayaa halkaasna ka soo ifbaxaya.
Toddobaadkan, Imaaraadku wuxuu baajiyey ka-qeybgalka Israel ee Bandhigga Duulimaadyada ee Dubai (Dubai Airshow) oo loo qorsheeyey inuu dhaco bisha November.
Toddobaad ka hor inta aysan Israel weerarin Qatar, Imaaraadku wuxuu uga digay in Israel ay halis gelinayso “xariiq cas” haddii ay ku darsato Daanta Galbeed ee la haysto.
Digniintan ayaa miisaan lahayd sababtoo ah Imaaraadku waa tiir-dhexaadka Heshiisyadii Abraham (Abraham Accords), heshiisyadaas oo sanadkii 2020 uu dhex-dhexaadiyey maamulkii kowaad ee Trump, ayna Morocco, Bahrain, iyo Imaaraadku xiriir rasmi ah kula yeesheen Israel.
Mareykanku wuxuu Heshiisyadii Abraham ku tilmaamay guul taariikhi ah, laakiin u doodayaasha qadiyadda Falastiin waxay u arkeen khiyaano.
Falanqeeyayaashu waxay sheegeen in markii ay noqotay arrinta Imaaraadka, labada dhinacba ay ka maqnayd nuxurka dhabta ah.
Imaaraadka Carabta waxaa la aasaasay sanadkii 1971-kii iyadoo ah isutagga toddobo imaaradood. Si ka duwan Masar, Jordan iyo xitaa Sacuudi Carabiya, weligeed dagaal lama gelin Israel. Imaaraadka waxaa ku nool toban milyan oo qof, laakiin hal milyan oo kaliya ayaa ah muwaadiniinta Imaaraadka – inta kale waa ajaanib deggen iyo shaqaale shisheeye.
Ergeyga Mareykanka Tom Barrack – oo xiriir dhow la leh hoggaamiyeyaasha Imaaraadka – ayaa laga yaabaa inuu bixiyey sharraxaadda ugu fiican ee xiriirkan markii uu yiri bin Zayed “wuxuu u orday” Heshiisyadii Abraham sababtoo ah wuxuu haystay dal yar oo ay xukunto “boqortooyo”.
Hussein Ibish, oo ah aqoonyahan sare oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Dawladaha Khaliijka ee Washington (Arab Gulf States Institute in Washington), ayaa u sheegay Middle Eest Eye in Imaaraadku ay weli ka go’an tahay xisaabtanka istiraatiijiyadeed ee Heshiisyadii Abraham, oo ay ku jirto mid ka mid ah aasaasyadiisa ugu waaweyn: xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo kan teknoolajiyadeed. Laakiin wuxuu sheegay in falalka xasilooni darrada abuuraya ee Israel ay bilaabeen inay walaac geliyaan qaar ka mid ah.
“Sida caadiga ah kooxeysi kama dhex jiro Imaaraadka. Go’aannada waaweyn ee siyaasadda arrimaha dibadda waxaa lagu gaaraa Abu Dhabi iyadoo lala tashanayo Dubai iyo mararka qaarkood Sharjah,” ayuu yiri Ibish, isagoo tixraacaya saddexda imaaradood ee ugu waaweyn uguna awoodda badan siday u kala horreeyaan.
“[Laakiin] mararka qaarkood arrimuhu waxay noqdaan kuwo xiisad ka buuxdo oo aad aragto kooxeysi. Waxaana jira is-khilaaf ku saabsan iskaashiga lala leeyahay Israel. Taageerayaasha ugu waaweyn ee iskaashiga Israel waxay u badan yihiin Dubai marka loo eego Abu Dhabi, halka kuwa ugu shaki badan ee ku aaddan inta xorriyad ah ee la siinayo Israel ay ku sugan yihiin Sharjah iyo Ras al-Khaimah,” ayuu yiri.
Gudaha Mareykanka, Heshiisyadii Abraham waxaa loo suuq-geeyey inay mideynayaan Imaaraadka iyo Israel si ay uga hortagaan Iran. Laakiin Israel waxay ku wiiqday Iran gudaha Syria iyo Lebanon, Imaaraadkuna wuxuu laftiisu xiriir la hagaajistay Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
Tijaabada la-wareegidda dhulka
Tiirarka ugu waaweyn ee go’aanka Imaaraadka ee ahaa inuu xiriirkiisa qarsoodiga ahaa ee uu la lahaa Israel ka dhigo mid rasmi ah run ahaantii isma beddelin.
Toban sano ka hor, labaduba waxay ka soo horjeedeen Madaxweynihii Islaamiga ahaa ee si dimoqraadi ah loo soo doortay ee Masar, Mohamed Morsi. Imaaraadka iyo Israel waxay weli u arkaan Ururka Ikhwaanul Muslimiin cadow ahaan. Xamaas waa farac ka tirsan ururkaas. Imaaraadkuna wuxuu si ka badan sidii hore u doonayaa maalgashi iyo teknoolajiyad, gaar ahaan xilligan ay soo baxday sirdoonka macmalka ah (AI).
Laakiin Firas Maksad, oo ah agaasimaha Bariga Dhexe ee Eurasia Group, ayaa u sheegay Middle East Eye in Heshiisyadii Abraham aysan waligood ahayn kuwo “qiimo la’aan ah” oo ay halis u ahaayeen Imaaraadka, halista ugu weynna ay ahayd in dunida Carabta iyo Muslimka ay si caro leh uga falcelin doonaan fikradda ah in Imaaraadku uu iska indha-tiro arrinta Falastiiniyiinta.
“Imaaraadku naftooda ayay halis geliyeen Israel dartiis wixii ka dambeeyey 7-dii October [2023],” ayuu Maksad u sheegay Middle East Eye. “Waxay is-hor-taageen, waxayna si cad u dhaleeceeyeen Xamaas. Waxay la safteen Israel, waxbana kama aysan helin taas.”
Digniinta Imaaraadka ee ku saabsan “xariiqda cas” ee la xiriirta in Israel ay la wareegto Daanta Galbeed ee la haysto ayaa soo jiidatay indhaha diblomaasiyiinta iyo falanqeeyayaasha.
“Saldhigga ugu weyn ee Heshiisyadii Abraham, sida ay Imaaraadku u arkaan, wuxuu ahaa ka hortagga la-wareegidda Daanta Galbeed,” ayuu yiri Maksad.
Runtii, sanadkii 2021, Imaaraadku wuxuu si fagaare ah go’aankiisa uu ku galay Heshiisyadii Abraham ugu sababeeyey inay tahay tallaabo lagu ilaalinayo fursadda xalka labada dawladood. “Sababta ay u dhacday, qaabka ay u dhacday, iyo xilliga ay dhacday waxay ahayd in laga hortago la wareegidda dhulka,” ayuu yiri safiirka Imaaraadka ee Mareykanka, Yousef al-Otaiba.
Laakiin markii ay xaaladdu adkaatay, Imaaraadku wuxuu qof walba u caddeeyey inuusan xiriirkiisa Israel ku xiri doonin arrinta la wareegidda dhulka.
Hal bil uun ka hor inta uusan billaaban xasuuqa Gaza sanadkii 2023, ka dib weerarkii Xamaas ay hoggaaminaysay ee 7-dii October 2023 ee koonfurta Israel, Otaiba wuxuu sheegay in “la-wareegid dhab ah” oo Daanta Galbeed ah ay socoto, uuna Imaaraadku aanu hor istaagi doonin.
“Heshiiskeena wuxuu ku salaysnaa muddo cayiman, muddadaasna way ku dhowdahay inay dhammaato, sidaas darteed ma lihin awood aan ku saameyno go’aannada la gaarayo kaddib muddadii uu ku dhisnaa Heshiiskii Abraham,” ayuu yiri, isagoo tixraacaya awoodda ay u lahaayeen inay joojiyaan la-wareegidda dhulka.
“Hadda arrintu waxay ku saabsan tahay Gaza,” ayuu Abdulaziz Alghashian, oo ah cilmi-baare Sacuudiyaan ah iyo xubin sare oo aan deganeyn oo ka tirsan Guddiga Caalamiga ah ee Khaliijka (Gulf International Forum), u sheegay Middle East Eye, isagoo sharraxaya in Imaaraadku uu isku dayayo inuu si taxaddar leh u maareeyo isku dheellitirka rabitaankiisa ah inuu sii wado xiriirka Israel iyo carada ka dhalatay weerarka bahalnimada ah ee Israel.
Indhaha oo dhan ayaa lagu hayn doonaa Imaaraadka si loo ogaado inta ay Israel sii socon karto. Hadda Qatar waxay ku baaqeysaa jawaab celin Carbeed oo wadajir ah oo looga hortago weerarka Israel.
Dhanka kale, Imaaraadku ma uusan bixin faahfaahin ku saabsan cawaaqibka ka dhalan kara haddii Israel ay la wareegto Daanta Galbeed ee la haysto.
Kala saaridda Gaza iyo Daanta Galbeed
Tan iyo 7-dii October 2023, Imaaraadku wuxuu si ka duwan dawladaha kale ee Carabta ula dhaqmayey arrimaha qaarkood. Tusaale ahaan, markii bishii February la weydiiyey qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee “Riviera Gaza,” kaasoo dadka intooda badan ay u fasirteen baaq isir-sifeyn ah, Otaiba wuxuu si cad u sheegay in Abu Dhabi aysan arag “wax kale oo beddel u ah.”
Warbaahinta Middle East Eye ayaa hore u kashiftay in Imaaraadku uu Mareykanka uga ololeynayey qorshe ka dhan ah kan Jaamacadda Carabta ee Gaza, uuna taageersanaa in Israel ay Falastiiniyiinta halkaas ku nool u barakiciso dhanka Masar. Xiriirka Qaahira ayaa xiisad galay ololehaas dartiis, laakiin Abu Dhabi way sii waday maalgashiyadeeda muhiimka ah ee dalkaas, kuwaas oo muhiim u ah Masar oo dhaqaale ahaan liidata. Isku-dheellitirkaas ayaa muujinaya sida ay u adag yihiin xiriirka Imaaraadku la leeyahay dalal badan, oo ay ku jirto sida ay u kala aragto Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto.
“Waxaa jira laba gal oo si aan toos ahayn u kala jira. Mid Gaza ku saabsan iyo mid Daanta Galbeed ku saabsan,” ayuu yiri Alghashian.
Imaaraadku wuxuu muddo dheer u arkayey Xamaas inay tahay khatar. Laakiin sidoo kale wuxuu si quursi leh u eegayey ururka ay xafiiltamaan ee cilmaaniga ah, Fatax, ee Daanta Galbeed ee la haysto. Saaxiibka Falastiiniyiinta ah ee Imaaraadku uu doorbido waa Mohammad Dahlan, sida ay sheegeen diblomaasiyiinta iyo falanqeeyayaashu, kaasoo ah hoggaamiye masaafuris ku jooga oo ka tirsan Fatax oo ka soo jeeda Gaza, haddana noqday ergeyga Abu Dhabi u qaabilsan goobaha kale ee xiisadaha ka jiraan.
In kasta oo xiriirku uu kacsan yahay, falanqeeyayaal yar ayaa filaya in Imaaraadku uu si xag-jir ah u jebin doono xiriirka Israel, ama uu muujin doono sida uusan ugu qanacsanayn isagoo si xoog leh u taageeraya qorshaha Jaamacadda Carabta ee Gaza dagaalka kaddib. Qorshuhu wuxuu ku baaqayaa in Maamulka Falastiin uu la wareego marinka, wuxuuna meel bannaan u reebayaa Xamaas inay noqoto jilaa siyaasadeed.
“Waxaa jira is-afgarad Carbeed, kaasoo aan boqolkiiba boqol waafaqsanayn waxa Imaaraadku jeclaan lahaa. Kama hor iman doonaan, laakiin waxay isu diyaarinayaan inay noqdaan carqaladeeyaha is-afgaradka Carabta. Taasina waa faa’iidada ugu weyn ee Imaaraadka uu u leeyahay Mareykanka iyo Israel,” ayuu yiri Algashian.
Dhinacyada kale sida Geeska Afrika, Imaaraadku wuxuu weli la safan yahay Israel. Tusaale ahaan, warbixinnada waxay sheegayaan in Imaaraadku uu cadaadis ku hayo Somaliland inay aqbasho Falastiiniyiin si qasab ah loo barakiciyey si ay taa beddelkeeda u hesho aqoonsi Mareykan ah. Jamhuuriyadda gooni-u-goosadka ahee ka tirsan Soomaaliya waa mid xulafo la ah Imaaraadka.
“Waxaa laga yaabaa in khilaaf ka weyn kan Israel uu [Imaaraadka dhexdiisa] ka jiro marka ay noqoto arrinta Geeska Afrika. Ma jiro qof ka tirsan madaxda Imaaraadka oo si adag uga soo horjeeda Heshiisyadii Abraham arrin istiraatiijiyadeed ahaan,” ayuu yiri Ibish.

