28 C
Mogadishu
Thursday, January 22, 2026

Booliska Muqdisho oo soo xiray dhalinyaro aflagaadeysay Xasan Sheekh + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xalay soo xiray 4 dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay u gefeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kadib muuqaal ay ku baahiyeen baraha bulshada.

Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in eedeysanayaasha gacanta lagu soo dhigay, isla markaana loo haysto inay aflagaadeeyeen Madaxweynaha.

Afarta eedeysane ayaa kala ah Cumar Ciise Salaad, Mahad Cumar Yirid, Amin Maxamed Xasan iyo Cabdisalaan Ceenaanshe Ibraahim, kuwaas oo haatan u xiran Booliska.

Eeedeysanayaasha ayaa sidoo kale la horgeyn doonaa maxkamad, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka kasoo baxay Booliska.

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Saldhiga degmada Garasbaaleey, ayaa gacanta kusoo dhigay afar dhalinyaro ah oo ku eedeeysan inay aflagaado iyo gef cad u geysteen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaabaa Cumar Ciise Salaad, Mahad Cumar Yirid, Amin Maxamed Xasan, iyo Cabdisalaan Ceenaanshe Ibraahim” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay ciidanka Booliska.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Muuqaallo ay ku baahiyeen barta TikTok ayaa lagu arkay iyagoo si cad ugu gafaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda, taas oo dhaawacaysa sharafta iyo karaamada madaxda qaranka, isla markaana baalmareysa Dastuurka iyo shuruucda dalka u dagsan, Eedeysanayaashu waxay ku jiraan gacanta Booliiska, waxaana si waafaqsan sharciga loogu gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh”.

Booliska ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan falalka noocaan oo kale ah iyo muuqaallada anshax darrada ah ee kusii baahaya baraha bulshada ee Internet-ka

“Booliska Soomaaliyeed wuxuu bulshada ku baraarujinayaa inay ka fogaadaan falalka marin habaabinta, aflagaadada iyo ku xadgudubka sharafta hay’adaha qaranka, iyadoo cid kasta oo ku kacda fal dambiyeed noocan ah laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan sharciga” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska gobolka Banaadir.

Horay waxaa sidaan oo kale loogu soo xiray dhalinyaro isticmaasha baraha bulshada oo sameeya falal anshax xumo ah, kuwaas oo qaarkood la horgeeyay maxkamadda gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News