32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Dilkii Caaqil Cumar oo xiisad cusub ka abuuray Puntland

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gobolkaasi, taas oo la xiriirta dilkii loo gaystay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi oo maalin kahor lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday xilli uu ku sugnaa aagga deegaanka Ceelbuh ee Sanaag.

Dilka marxuumka ayaa xiisad cusub ka dhaliyay Puntland, taas oo si weyn looga dareemay gobolka Sanaag, kadib markii ay ka bilowdeen dibad-baxyo looga soo horjeedo dilkaasi.

Dadweyne careysan ayaa isugu soo baxay waddooyinka muhiimka ah, iyaga oo ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah Puntland, waxayna sidoo kale gubeen calanka Puntland, iyaga oo ku eedeynaya inay wax ka ogeyd dilka Caaqilka oo shaki wayn dhaliyay.

Sidoo kale, Puntland ayaa lagu soo warramayaa in dhaq-dhaqaaq ciidan ay ka billowday gobolka, si ay uga hortagaan dhaqdhaqaaqyada ka bilowday halkaasi, iyada oo horay uga jirtay xiisad kala dhexeysay maamulka cusub ee Waqooyi Bari oo ka taagneyd halkaasi.

Puntland ayaa sidoo kale haatan wadda baaris ku aadan sida uu dhacay dilka Nabadoonka, waxaana shalay Boolisku xaqiijiyay in marxuunka uu kaligiis saarnaa gaariga la duqeeyay.

“Meeha waxaan ugu tegnay gaarigii iyo maydka marxuumka oo burbur wayn uu gaaray, xubno gaar ah oo is haysta ama la garan karno inay yihiin xubno bani’aadan aanay ku jirin. Baaris hordhaca ah oo ay sameeyeen ciidamada Boolisku waxaa la ogaaday in marxuumka oo watay gaari uu ahaa kaligii, una socday degmada Badhan” ayuu yiri saraal sare oo u hadalay Booliska Puntland.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in diyaarad dagaal ay duqeysay baabuurka, isla markaana ay marxuumka la heshay saddex gantaal, balse ma shaacin dalka laga leeyahay diyaaradda.

“Duqeyntaas oo ay arkayeen dadka deegaanka oo xoolo dhaqato ah waxay ahayd diyaarad la beegsatay saddex gantaal gaariga Nabadoonka Cumar Cabdullaahi Cabdi. Nabadoonku beryahaan wuxuu ku sugnaa Badhan, Ceelbuh iyo Boosaaso oo uu qayb ka ahaa odayaashii ka qayb-galay shirkii dowladda ee lagaga hadlayay horumrinta Sanaag” ayuu mar kale yiri.

Dhanka kale ehellada Caaqilka ayaa isaguna warbaahinta u sheegay in ay sugayaan jawaab cad oo ku saabsan cidda ka dambeysay weerarka iyo sababta loo beegsaday Caaqilka.

“Lafaha Caaqilka oo keli ah ayaan haynaa, cid kalena lama socon, weligiina xidhiidh lama yeelan kooxaha la raadinayo. Dowladda Puntland ayaan war cad ka sugeynaa,” ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cabdi oo la dhashay marxuumka.

Duqaymaha diyaaradeed ee laga fuliyo gudaha Soomaaliya waxaa inta badan sameeya ciidamada Mareykanka ee howlgalka AFRICOM, kuwaas oo horay uga caawiyay Puntland weerarro ka dhan ah kooxda Daacish intii uu socday dagaalkii Buuraha Calmiskaad.

Dhacdadani waxay dhalisay isweydiin badan oo ku saabsan sababta gaariga Caaqilka loo bartilmaameedsaday, maadaama walaalkiis uu sheegay in uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada.

- Advertisement -

Read more

Local News