Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo khudabd ka jeediyay munaasabad ka dhacday Baydhaba ayaa ka hadlay arrimo ku aadan amniga iyo dagaalka Al-Shabaab.
Laftagareen ayaa ku dhawaaqay go’aan culus oo go’doonka looga qaado magaalooyinka maamulkaasi ee ay dul-fadhiyaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, wuxuuna faray hay’adaha amniga inay xoogga saaraan adkaynta nabad-gelyada, si uu u fududaayo isu socodka deegaannada Koonfur Galbeed.
Sidoo kale wuxuu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada, si looga hortago halista kooxaha argagixisada ee ku xoogan Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay haddii amni la helo in la gaarayo horumar nololeed iyo maalgashi ganacsi oo ay ku tallaabsadaan reer Koonfur Galbeed.
“Xikmadda ku jirta nabadgalyada waa in ay dadka Soomaaliyeed oo dhan gaarto, Dalkaan waxaa ragaadiyay ee nabadda u diiday Talo-xumo iyo Niman Nabad-diid ah, waxa ay caqabad ku noqdeen dowladnimada iyo horumarka, waxaa looga gudbi karaa in si wadajir ah loo wajaho” Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Hadalkan ayaa waxa kusoo aaday, iyada oo haatan Baydhaba lagu soo gabagabeeyay todobaadka nabadda Koonfur Galbeed, halkaas oo ay isugu tageen madax badan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo lagu casuumay madasha oo socotay dhowr cisho.
Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku xooggan Shabaab, waxayna go’doomisay magaalooyinka waa wayn oo ay ugu horreyso Baydhaba oo ah xarunta KMG ah ee maamulka.

