Badhan (Caasimada Online) – Mudaharaadyo xooggan oo looga soo horjeedo duqeyntii lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi ayaa kusii fidaya gobolka Sanaag.
Mudaharaadkan oo kasoo bilowday degaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag ayaa haatan kusii fiday degmada Badhan ee gobolkaasi. Mudaharaadka ayaa looga soo horjeeda xukuumadda Puntland oo laga dalbanayo inay faahfaahin dhab ah ka bixiso dilka caaqilka oo duqeyn lala beegsaday xilli uu kusii jeeday Badhan.
Duqeyntaasi oo ay fulisay diyaarad dagaal oo illaa hadda la aqoonsan ayaa Sabtidii dishay caaqilka, taas oo saddex gantaal ku dhufatay gaarigii uu saarna, sida uu xaqiijiyay taliska booliska Puntland.
Bulshada deegaanka oo dalbanaya in looga jawaabo cidda dishay caaqilkoodii ayaa mudaharaadka ka bilaabay degaanka Ceelbuh waxaana uu maanta ku fiday degmada Badhan, waxaana laga cabsi qabaa in uu deegaano kalena kusii fido, xilli ay ciidamada Puntland isku dayayaan inay xakamayeen xaaladda.
Duqeynta kadib maamulka Puntland ayaa la sheegay inuu bilaabay baaris ku aadan sida uu dhacay dilka caaqilka, waxaana shalay boolisku xaqiijiyay in marxuunka uu kaligiis saarnaa gaariga la duqeeyay.
“Meesha waxaan ugu tegnay gaarigii iyo maydka marxuumka oo burbur wayn uu gaaray, xubno gaar ah oo is haysta ama la garan karno inay yihiin xubno bani’aadan aanay ku jirin. Baaris hordhaca ah oo ay sameeyeen ciidamada Boolisku waxaa la ogaaday in marxuumka oo watay gaari uu ahaa kaligii, una socday degmada Badhan,” ayuu yiri saraal sare oo u hadlay Booliska Puntland.
Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in diyaarad dagaal ay duqeysay baabuurka, isla markaana ay marxuumka la heshay saddex gantaal, balse ma shaacin dalka laga leeyahay diyaaradda.
“Duqeyntaas oo ay arkayeen dadka deegaanka oo xoolo dhaqato ah waxay ahayd diyaarad la beegsatay saddex gantaal gaariga Nabadoonka Cumar Cabdullaahi Cabdi. Nabadoonku beryahaan wuxuu ku sugnaa Badhan, Ceelbuh iyo Boosaaso oo uu qayb ka ahaa odayaashii ka qayb-galay shirkii dowladda ee lagaga hadlayay horumrinta Sanaag,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalkan.
Dhanka kale, ehellada Caaqilka ayaa isaguna warbaahinta u sheegay in ay sugayaan jawaab cad oo ku saabsan cidda ka dambeysay weerarka iyo sababta loo beegsaday caaqilka.
“Lafaha Caaqilka oo keli ah ayaan haynaa, cid kalena lama socon, weligiina xidhiidh lama yeelan kooxaha la raadinayo. Dowladda Puntland ayaan war cad ka sugeynaa,” ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cabdi oo la dhashay marxuumka.
Duqaymaha diyaaradeed ee laga fuliyo gudaha Soomaaliya waxaa inta badan sameeya ciidamada Mareykanka ee howl-galka AFRICOM, kuwaas oo horay uga caawiyay Puntland weerarro ka dhan ah kooxda Daacish intii uu socday dagaalkii buuraha Calmiskaad.
Dhacdadani waxay dhalisay isweydiin badan oo ku saabsan sababta gaariga caaqilka loo bartilmaameedsaday, maadaama walaalkiis uu sheegay in uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada.

