Dooxa (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qasriga Madaxtooyada Qatar kulan muhiim ah kula qaatay Amiirka dalkaasi Mudane Tamim bin Xamad Al Thani.
Madaxwaynaha ayaa intii uu kulanku socday waxa uu la wadaagay Amiirka dalka Qatar sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay u garab-taagan yihiin walaalahooda.
Intii kulanka socday, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xarriiqay in aan marnaba la aqbali karin in lagu xad-gubo madax-bannaanida, sharafka iyo amniga Dowladda Qatar.
Dhankiisa, Amiir Tamim ayaa uga mahad-celiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda garab-istaagga iyo taageerada walaalnimo ee ay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed u muujiyeen Dowladda Qatar.
Amiirka ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay ahmiyadda xiriirka iyo iskaashiga qotoda dheer ee ka dhexeeya labada dal.
Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar ayaa halkaasi uga qeyb-galaya shir ay dalalka Carabta iyo Islaamka ay kaga hadlayaan weerarkii ay dhawaan Israel ka fulisay dalkaasi.
Weerarkan oo Israel ku beegsatay madax sare oo ka tirsan ururka dhaq-dhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa imanaya kadib markii Trump uu digniin u diray kooxda wada-xaajoodka ee Xamaas, xilli uu ku riixayay xabbad-joojin cusub.
Mareykanka ayaa si isdaba joog ah ugu eedeeyay Xamaas inay carqaladeyneyso wada-xaajoodyada. Dhanka kale, Israel ayaa lagu eedeeyay inay dhowr jeer hakisay wada-hadallada.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey si kulul u cambaareysay weerarka dhanka cirka ah ee ay ciidamada Israel ka fuliyeen gudaha magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, kaas oo ay ka dhalatay xaalad adag.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu caddeeyay mowqifka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in falkaasi ay u aragto mid gar-darro ah oo si toos ah uga hor imaanayo shuruucda caalamiga ah, maadaama ay waxyeelo gaartay guryo ay daganaayeen dad rayid ah.
Sidoo kale wasaaradda ayaa walaac xooggan ka muujisay saameynta weerarradan ay ku yeelan karaan xasilloonida gobolka Khaliijka, maadaama ay abuureen xiisado horleh.






