28.9 C
Mogadishu
Saturday, January 17, 2026

Puntland oo soo dabacday, dalab cusub u dirtay DF

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Mid kamid ah golaha wasiirrada Puntland oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda ka dhex aloolsan maamulkaasi iyo Dawladda Federaalka oo in muddo ah isku haya siyaasadda.

Wasiirka Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland, Liibaan Muuse Boqor ayaa sheegay in haatan loo baahan yahay in dib loo soo celiyo wada shaqeyntii Muqdisho iyo Garoowe, si meesha looga saaro culeyska jira ee ka dhashay khilaafka siyaasiga ah ee labada dhinac.

Sidoo kale wuxuu Dawladda Federaalka si gaar ah uga codsaday in loo fasaxo mashaariicda ay u baahan yihiin, si ay uga faa’iideystaan shacabka ku dhaqan deegaanada maamulkaas.

Wasiirka ayaa xusay in haatan baahi wayn ay ka jirto deegaanka, wuxuuna farriin u diray mas’uuliyiinta labada dhinac oo uu ugu baaqay in xaaladda la dajiyo, si loo abuuro jawi cusub oo wada shaqeyn ah.

“Nasiib darrada i haysato, Wasaaraddii waan daadihinayaa baahiduna way badan tahay, Waxa aan u baahanahay annaga iyo Dowladda Federaalka in aan iska kaashanyo baahida halkaan ka jirto,” ayuu yiri Wasii Liibaan Muuse Boqor.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo weli halkiisii yahay khilaafka Xasan Sheekh iyo Saciid Deni oo qaatay saddex sano iyo dheeraad, wuxuuna saameeyay gebi ahaan wada shaqeytii ka dhexeysay labada dhinac, maadaama ay ku kala tageen arrimaha siyaasadda dalka.

Deni ayaa weli go’aankiisa ku adkeysanaya, wuxuuna mar kale u sharraxan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya, halka Xasan Sheekh uu iska sii wato howlihiisa, gaar ahaan qorshaha uu ku doonayo inuu dalka ku gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah, oo ay diidan yihiin madaxda maamulada Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News