Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay hanaanka qasabka ah ee lagu diiwaan-gelinayo shacabka Muqdisho.
Shariif ayaa sheegay in ceeb iyo foolxumo weyn laga dhaxli doono haddii la qabto doorashooyin aysan xisbiyada siyaasadeed qeyb ka noqon abaabulka taageerayaashooda.
“Waxaa dhacday in dadkii la qabso, in dad aan deganayn Muqdisho oo gobollo fog og ka yimid ama kuwa yimid dibadda si Khasab ah lagu diiwaan galiyo. Arrimahan waxay xumaynayaan doorashooyinkii muddada dheer la sugayay,” ayuu yiri Shariifka.
Sidoo kale waxa uu Xasan Sheekh ku eedeeyay in uu kala qeybiyay mucaaradka, isla markaana uu qorsheynayo inuu qabsado doorasho boob ah oo mucaarad dhab kula tartami karin, sida uu hadalka u dhigay.
“Dastuurku wuxuu sheegayaa in qofku isagu leeyahay doorashada ah inuu isdiiwaan-galiyo iyo in kale,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka.
Shariif ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu kusoo laabto wadada sharciga, uuna dib uga joogsado wax ka beddelka uu ku sameeyay dastuurka dalka, kaas oo qeyb weyn ku leh khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan.
“Madaxweynuhu wuu kasoo jeestay dagaalka Al-Shabaab iyo damaca Itoobiya ee madax-bannaanida Soomaaliya,” ayuu yiri Shariif oo sidoo kale tilmaamay in Xasan Sheekh uu dhagaha ka fureystay baaqyo dhowr ah oo ay u jeediyeen.
Kala qeybsanaanta siyaasadeed ee dalka ayuu madaxweynihii hore ku tilmaamay mid dalka u horseedi karta burbur siyaasadeed oo aan laga soo kabsan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli ku adkeysanaysa in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, xilli ay qeybo ka mid ah dalka ka wado diiwaan-galinta codbixiyeyaasha.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa doonaya in golayaasha deegaanka ee dalka lagu soo doorto qof iyo cod, sidoo kalena ay dadweynaha soo doortaan xildhibaannada federaalka Soomaaliya, si ay u doortaan hoggaanka sare ee dalka, taas oo si adag u diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka.
Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku guuleystay kala qeybinta mucaaradka kadib markii uu qeyb ka mid ah la gaaray heshiis, kuwaas oo haatan bilaabay abaabulka doorashada, iyagoo ku dhawaaqay xisbiyo siyaasadeed.

