28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Maxaa ka socda teendhada Afisyoone ee Xamar? + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad ka socda teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, tababarka hoggaaminta iyo maareynta waxqabadka adeegyada bulshada, oo loo qabtay shaqaalaha iyo saraakiisha sare ee hay’adaha dowladda.

Tababbarka oo ay bixinayaan khubaro ku xeel-dheer dhanka maamulka iyo hoggaaminta ayaa inta uu socdo lagu baranayaa maareynta iyo adeeg-bixinta hay’adaha dowladda.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahayd adeeg hufan oo ku salaysan wax-qabad tayo leh oo horumarsan, kaasoo la jaanqaadaya hab-raacyada casriga ah iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Dhinaca kale, Shirka labaad ee kaabayaasha tayada qaranka oo ay soo agaasintay hay’adda taya-dhawrka qaranka ayaa maanta ka furmay Muqdisho.

Shirkan oo uu daah-furay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo khubaro lagu casuumay.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa diiradda lagu saaraya adkeynta tayada badeecadaha ka baxaya Soomaaliya.

Shirweynahan ayaa door muuqda ka qaadanaya ilaalinta sumcadda ganacsiga dalka iyo hubinta tayada badeecadaha dalka la keeno si sare loogu qaado ilaalinta badqabka iyo nolosha dadka Soomaaliyeed.















- Advertisement -

Read more

Local News