30.9 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

Xog: Wafdi ka socda Mareykanka oo ku wajahan Puntland kadib duqeyntii Sanaag

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowladda Mareykanka ayaa lagu wadaa inay gaaraan magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya Taliyaha cusub ee AFRICOM, General Dagvid Anderson iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley, waxaana halkaasi kula kulmi doonaan madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa kusoo laabanaya Boosaaso, kadib marka uu dhameysto booqashadiisa, oo u daaran u kuur-galida askar ka tirsan ciidamada Puntland oo ku dhaawacmay hawl-galka Calmiskaad oo halkaasi lagu dabiibayo.

Wafdiga Mareykanka ayaa Madaxweynaha maamulka Puntland kala shiri doona la-dagaallanka kooxaha argagixisada ee Daacish iyo Al-Shabaab, iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Socdaalka la filayo in saraakiisha Mareykanka ku gaaraan Boosaaso ayaa imanaya xilli uu 13-kii bishaan Mareykanka uu duqeyn ka fuliyay gobolka Sanaag, taasoo taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda uu sheegay in lagu beegsaday nin hubka ka iibiya kooxda Al-Shabaab.

Duqeyntan oo xiisad xooggan ay ka dhalatay ayaa lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullahi Cabdi oo kamid ahaa waxgaradka gobolka Sanaag, kaas oo gaarigiisa lagu dhuftay gantaallo, xilli uu kasoo baxay deegaanka Ceelbuh, kuna sii jeeday degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Inkastoo taliska AFRICOM uu sheegay inuu duqeyn ku dilay nin gacan saar la lahaa argagixisada Al-Shabaab, haddana ma shaacin magaca ninka la dilay iyo waxa uu qabanayay xilliga la dilay.

Gaariga caaqilka ayaa lagu dhuftay 3 gantaal, mana jirin cid kale oo la socotay, sida uu xaqiijiyay Cali Cabdullaahi oo la dhashay marxuumka, oo ka waramay sida ay wax u dhaceen.

- Advertisement -

Read more

Local News