30.9 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

IRAN oo tijaabisay gantaallo cusub xilli xiisad dagaal laga cabsi qabo

Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) – Iiraan ayaa maanta tijaabisay gantaallo ballistic ah, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo diyaar-garow ah ay ka socdaan saldhigyada milatari ee dalkaasi.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo toddobaadkan guddiga amniga ee Baarlamaanka Midowga Yurub uu sheegay in xiisadda Iiraan iyo Israa’iil ay mar kale ku dhowdahay inay dib uga dhex qaraxdo dagaal hor leh oo ka dheer midkii 12 maalmood socday.

Warbaahinta Ruushka ee RT ayaa ku warrantay in tijaabada gantaallada Iiraan ay socotay muddo ka badan afar saacadood, iyadoo lagu arkayay guutooyin badan oo milatari oo ku sugan koonfurta dalkaas.

Ma cadda weli in gantaaladan ay yihiin kuwo cusub ama ay ku saabsan yihiin tijaabo gantaalladii hore, balse saraakiisha difaaca Iiraan ayaa tilmaamay in lagu guuleystay dhammaan hawlgalka tijaabada.

Dhanka kale, taliyaha guud ee ciidanka Iiraan ayaa dhowaan shaaciyay in dalkiisu soo saaray gantaallo leh awood wax-burburin oo ka sarreysa kuwii ay adeegsadeen dagaalkii Israa’iil, taas oo sii xoojisay walaaca ku saabsan awoodda militari ee Tehraan.

Xukuumadda Israa’iil ayaa arrintan ku tilmaantay “khatar weyn oo ku wajahan amniga gobolka,” iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay qaadaan tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si looga hortago weerar kasta oo Iiraan ka yimaada.

Warbaahinta gudaha Iiraan ayaa xustay in tijaabadan loo arko fariin toos ah oo lagula hadlayo Tel Aviv iyo Washington, iyada oo muujinaysa sida uu dalku ugu diyaarsan yahay dagaal kasta oo lagu soo qaado.

Dhanka kale, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ka digay in xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Israa’iil ay halis ugu jirto inay ka dhalato dagaal ballaaran oo saameeya Bariga Dhexe oo dhan, isaga oo ugu baaqay labada dhinac inay xakameeyaan hadallada kacsan iyo falalka militari.

- Advertisement -

Read more

Local News