27.6 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

Heshiiska Sacuudi-Pakistan – Qaxwihii lagu cabbay Qadar iyo kala yaacinta Soomaalida

By Mukhtar Qoransay
Bookmark
Bookmarked

Share

Weerarkii indha la’aanta iyo argagaxa heer-dowladeed ahaa ee ay Israa’iil ku qaadday Qadar 9-kii September 2025, kana fajiciyay madaxda dunida, wuxuu ahaa mid aanan la gaarin yoolkiisii la sheegay. Sidoo kale waxay hurdo-salal ku ridday dalal Muslimiin ah oo qaatay ama saf ugu jiray “Abraham Accords” oo ah in lala heshiiyo Israa’iil.

Waxaase u baxay dalalka Carbeed, heshiis iska daaye in aysan nabad ku helin karin qasriyadooda, oo ay daris la yihiin “Rogue State”, alyacnii dowlad-shareed aanan ixtiraameyn heshiisyada caalamiga ah iyo nabadda dunida, xattaa cidii kala shaqaysa danahooda. Waayo waxay Israa’iil ku weerartay 72-saac gudahood 5 dal: Suuriya, Lubnaan, Tuniisiya, Yemen iyo Qadar. Ujeedkeeda dhabta ahi waa haymanka iyo katalinta gobolka, balse ma gaari karto, sida uu yiri Professor Stephen Walt, International Relations ee Jaamacadda Harvard.

Shirkii iyo qaxwihii lagu cabbay Qadar

Duullaankaas waxaa ka dhashay in ay 15 September 2025 shir degdeg ah isugu yimaadeen 57 dal ee ku midoobay ururrada Jaamacadda Carabta iyo Organization of Islamic Cooperation (OIC). Shirkaas oo daarnaa sidii looga jawaabi lahaa gardarradii argagaxa ahayd ee lagu qaaday Qadar.

Waxaana goobta laga soo jeediyay hadallo kulkulul oo Qadar u qaboojiyay qalbiga, laakin aanan u noqon karin jawaab u dhow gantaalkii lagu soo tuuray gurigeeda. Waxaa kaloo la isku soo qaaday in lagu midoobi karo Carab-Islamic-Nato, laakin kalsooni ma dhex taal dalalkaas?

Waayo, weli lama haleeli karo sida la isku waafajin karo masaalixda kala socota, haddana wada socota ee dalalka Muslimiinta. Iiraan waxay rabtaa in hal mar la wada cunaqabateeyo Israa’iil, Masar waxay rabtaa mashruuc militari oo ay xarun iyo dallaal u tahay Qaahira, Qadar waxay rabtaa cid sharciyan siin karta maxmiyad-amni, Sacuudi waxay rabtaa noqoshada boqoraddii dhulka barakaysan ee talada laga qaadan lahaa, Turkiga wuxuu rabaa hubkiisa iyo drones-kiisa cid ka iibsata.

Falanqeeyayaasha wargeysyada caalamiga ah waxay ku soo afjareen shirkaas, in aysan Carabi ku yareyn shirar-qabasho, laakin ku yar tahay fulin. Waxaana oran karnaa meeshaas waxaa ka muuqatay soo dhaweyn fiican oo lagu cabbay qaxwe Carbeed fara badan iyo timir macaan, laakin dunidu ma arag wax ka badan canbaareyn, sida lagu yaqaanay wadamada Muslimiinta. Waxaas oo idilna waa shimbirayahow heesa — “symbolism”.

Heshiiska Sacuudi iyo Pakistan – Bilow Islamic-NATO miyaa?

Waxaa la xusaa in boqor-sugaha Maxamed Bin Salmaan (MBS) yahay nin caqli badan oo yaqaan tallaabo-qaadka 1-aad, laakin aanan xisaabin natiijada ka dhalata. Qoraaga Bob Woodward ayaa buugiisa Dagaal «War» ku qoray in MBS ku yiri US-Senator Lindsey Graham: «Uma baahni uranium si aan u sameysto bambo, mid uun ayaan Pakistan ka iibsan!» MBS isagoo taas ka duulaya, haddana arkay waxa ku dhacay Qadar iyo natiijo la’aanta qaxwihii lagu cabbay Dooxa, waxaa ka dhalatay in MBS iyo RW Pakistan Shahbaz Sharif ay Sacuudi iyo Pakistan kala saxiixdaan heshiis is-difaac (Defence Pact), waxaana goob joog ahaa Taliyaha Xoogga Dalka Pakistan Asim Munir, 17 Sept. 2025.

Qodobada heshiiska waxaa ku jira in «gardarro kasta oo lagu sameeyo mid kamid ah labada dal, ay ka dhigan tahay gardarro loo geystay labadaba» — qodobkan oo la mid ah qodobka 5-aad ee dalalka Nato isku difaacaan. Haddaba, ma dhici kartaa in heshiiskani noqdo bilowga abuurista Islamic-Nato oo ay dalalka Muslimiintu mid-mid ugu soo biiraan, isagoo mid walba baadi-goobayo badbaadinta jiritaankiisa?

Markaan ka eegno dhowr dhinac, kuna darno falanqeeyayaasha wargeysyada dunida sida Al-Jazeera, The Washington Post, The New York Times, The Times, The Economist iyo kuwo kale, waxaad is oran kartaa waa suuragal, dhowr sababood awgood:

  • Fekerka Islamic-Nato ma aha mid cusub oo muddo ayaa la hadal hayay, Masar ayaana 2015-kii soo saartay miiska, laakin markii xaaladuhu xasilaanba waa la hilmaami jiray, balse xasuuqa Qaza iyo duullaankii Dooxa, waa xaalad cusub oo ay dunidu gashay.
  • Pakistan maadaama ay tahay dalka keliya Muslimka ah ee haysta nukliyeer, waa dal u soo joogsan kara difaaca Makka & Madiina, haddii dollarka Carabta loogu daro. Walow horey ay Wasiiraddii Arrimaha Dibadda Kenya Aamina Maxamed Jibriil tiri: «Kenya iyo Pakistan waa labo dal oo la nool, haddana u dhiman kansarka musuqmaasuqa»!
  • Turkey oo Nato ku jirta, waxay suuq fiican u helaysaa hub badan oo ay samaysay, horayna dhowr jeer bay bidhaamisay fekerka noocaas, wayna dhici kartaa in ay ku soo biirto.
  • Dareenkii dowladaha Khaliijka waa isbeddelay, waxayna u arkeen isku halleyntii USA in ay tahay dhaan-dabagaale, markii la arkay sida ku dhacday Qadar oo ah xarunta ciidanka US ee ugu weyn mandiqadda, una jirta xuduudda Iiraan 190km.
  • Waxaa suuragal ah in ay Qadar iyo dowladaha Khaliijka ee raadinaya damaanad-amni, iskana caabin karin dulmiga Israa’iil, u arkaan meel ay ukumohooda ku xafidan karaan.
  • Walow is-xagxagashada Sacuudi vs Iiraan, Qadar vs Imaaraad, Turkey vs Masar ay carqalado noqon karaan, haddana xaaladda la galay waxay bidhaamisay in markan ay u muuqato lagama maarmaan in awoodaha la mideeyo, si ugu yaraan loo badbaado.
  • Lubnaan waxay faraha ka qaadi doontaa hub ka dhigistii ay ku samayn lahayd Xisbullah.
  • Xamaas arrinteeda way sii xoogaysan doontaa.

Diirad si saarid – USA, Israa’iil, Hindiya iyo Shiinaha

Dhanka kale, waxaa dhab ahaanta heshiiskan sii xoojinaya kana dhalan kara dhowr arrimood:

  • Maraykanka waxaa calaamad su’aal weyn saaran tahay in ay noqon karaan damiin-amni ee Khaliijka, wuxuuna isku dayi doonaa in uu Sacuudi sasabto oo dib u kasbado.
  • Shiinaha wuxuu u arkaa heshiiskan dabeel-qabow iyo fursad xeeldheer oo uu ku saameyn karo labo dal oo gacansaar la lahaa USA, xagiisana u soo dhoweyn karo.
  • Falanqeeyayaasha Israa’iil waxay ku tilmaameen heshiiskan in ciyaartii isbeddashay, waxayna ka digeen in baaxaddii hanjabaaduhu ballaarteen — game-changer & expanded threat matrix.
  • In Sacuudi la gashay heshiis-difaac Pakistan oo sida Soomaaliya aanan ictiraafsaneyn, wax xiriir ahna la lahayn dowladda Yuhuudda, qadiyadda Falastiinna ula mid tahay tan Kashmiir, waxay diraysaa calaamado ah in heshiiskii Abraham Accords dhimanayo.
  • Duullaan walba oo Israa’iil qaaddo oo Sacuudi agteeda ama dusheeda soo mara, wuxuu daandaansi ku samayn karaa Pakistan oo dhinacna dowlad nukliyeer ah, dhinacna xiriir fiican la leh USA.
  • Israa’iil waxay xoojin doontaa xiriirka iyo heshiisyada ay la leedahay Hindiya.
  • Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya waxay ka tiri heshiiska: «Waxaan daraaseyn doonnaa saameynta ka dhalan karta» (will study the implications).
  • Hindiya waxaa walwal ka haya; Pakistan oo dhabar-difaac u noqota dunida Carabta-Muslimiinta, oo helaysa murqo ay ku jimicsato qadiyadda Kashmiir iyo lacago badan.
  • Heshiiskan Pakistan calankeeda ayuu maalmahan kor u kicin doonaa.
  • Canbaareynta dunida ee Israa’iil way sii labo jibbaarmi doontaa.

Saameynta ay ku leedahay kala yaacinta Soomaalida iyo gunaanad

Inta ay dunidu ku mashquulsan tahay isbahaysiyo, is uruursi iyo heshiisyo-difaac ka dhashay walwalo laga qabo dagaalo waaweyn oo dhici kara, hoggaanka Soomaaliya jooga waxaa u daaran qorshe kale oo ah; in dadkan awal 35 sano kusoo jiray dagaalo sokeeye iyo dowlado iitaal-darran, haddana laga shaqeeyo intii dalka joogtay in ay qaxaan iyagoo lacag darteed loo barakicinayo, intii horay u qaxdayna, iyagoo gunno-visa keliya laga rabo, in lagu yiraahdo «Haddaad haysato passport ajnabi ah, ma tihid Soomaali».

Akhristow, sidee duni hanaankeeda isbeddelaya ula jaanqaadi karaa dal sidaas ah, dadkiisana la sii kala firdhinayo? Amma dunida kale, inta xaaladda Qaza sidaas tahay, Israa’iilna uu madax u yahay Natenyahu oo ah nin kursigiisa la ciyaaraya, oo aaminsan inuu soo celin karo boqortooyadii 3-aad ee Yuhuudda, middii Nabi Suleymaan (cs) kadib, isagoo marba daris dhow iyo mid fogba ku tuurayay dhagxaan-naara, waxaa shaki ku jirin in heshiiska Sacuudi-Pakistan xoog sii yeelan doono, caalamka Islaamkuna isku sii dhawaan doono.

Laakiin Soomaaliya Ilaahay ha u soo saaro cid aanan sii kala daadin ee isku haysa, una sii dhoweysa dunidaas Islaamka ee aanu qayb ka nahay. Haddii kale Soomaalidu waxay noqon xaabada lagu huriyo dabka laga shidayo dunida, Alle kama dhigee, aamiin.

W/Q: Mukhtar Qoransay
– Strategist iyo qorshe-dajiyihii hore ee hay’adda NISA
– Maareeyihii Hore ee Hay’adda Aqoonsiga (DADSOM/NIRA)
– Falanqeeye Juqraafiga-Siyaasadeed (Geopolitics Analyst)
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

- Advertisement -

Read more

Local News