28.9 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Sawirro: Magaalada Jigjiga oo si weyn looga dabaal-degay biyo-xireenka Itoobiya

Bookmark
Bookmarked

Share

Jigjiga (Caasimada Online) –Magaalada Jigjiga ee Dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa maanta si weyn looga xusay biyo-xireenka Abay, kaasi oo dhawaan si rasmi ah loo furay.

Biyo-xireenkan oo marxalado kala duwan soo maray ayaa ugu dambayntii soo dhammaaday, waxaana Soomaalida deegaanka u arkaan guul taariikhi ah oo ay gaartay Itoobiya.

Madaxweynaha Dowlad-deegaanka, Mustafe Cagjar oo khudbad ka jeediyay isu-soo-baxa maanta lagu taageerayay biyo-xireenka Abay, ayaa sheegay in mashruucan uu kor u qaadayo miisaanka Itoobiya.

“Waa dhaamka ugu weyn ee laga hawl-galiyay qaaradda Afrika. Mashruucaasi waxa kale oo uu kor u qaadaya miisaanka Itoobiya ku leedahay Geeska Afrika iyo guud ahaan mandiqadda aan ku noolnahay, isagoo noqon doona xitaa mid u adeegga dalalka jaarka,” ayuu yiri Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan si rasmi ah u furtay biyo-xireenkan oo ay ka hirgelisay Wabiga Nile. Munaasabaddaas oo madax kala duwan ka qayb-gashay, ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya oo haatan sii xoojinaya xiriirka Addis Ababa, xilli ay Qaahira la leedahay xiriir diblomaasiyadeed oo wanaagsan.

Masar ayaa muddo dheer ka soo horjeeday biyo-xireenka, sababo la xiriira walaac ay ka qabto inuu yareyn karo saamigeeda biyaha Wabiga Nile.

Qaahira ayaa ku tilmaantay biyo-xireenka oo loo yaqaan “Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya” mid khatar ku ah jiritaankeeda, maadaama dalku uu si buuxda ugu tiirsan yahay Wabiga Nile si uu biyo ugu helo beeraha iyo dadka ka badan 100 milyan.

Si kastaba, biyo-xireenka Itoobiya oo lagu dhisay in ka badan $4 bilyan ayaa noqonaya midkii ugu weynaa ee Itoobiya laga fuliyo, iyadoo la filayo inuu soo saaro tamar koronto oo gaarta guud ahaan Itoobiya iyo dalalka deriska ah.

- Advertisement -

Read more

Local News