27.7 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Mareykanka oo ‘diidmada qayaxan’ ku hor istaagay qaraar lagu xakameynayo Israel

Bookmark
Bookmarked

Share

New York (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa ka hor istaagay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay qaraar ku saabsanaa xabbad-joojin degdeg ah oo laga hirgeliyo magaalada Gaza.

Inkastoo 14 xubnood ay taageereen qaraarka, Washington ayaa adeegsatay awoodda diidmada qayaxan (Veto).

Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay ayaa gacanta u taagtay diidmada, taas oo micnaheedu yahay in la baabi’iyo dadaallada lagu joojin lahaa dagaalka Gaza, xilli dadka rayidka ah ay wajahayaan xaalad aad u adag oo duqeymo joogto ah ay kala kulmayaan Israel.

Qoraal kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in qaraarka Golaha Ammaanka uusan si cad u muujin xaqa Israel ee isdifaaca, isla markaana uusan cambaareynin weerarrada Xamaas. Arrintan ayaa dhalisay dhaliilo xooggan oo loo jeediyay Washington.

Dalal badan oo xubno ka ah Golaha ayaa ku tilmaamay mowqifka Mareykanka mid u gogol xaaraya xad-gudubyada Israel, iyagoo ku nuux-nuuxsaday in aan la indho-tirin karin masiibada bani’aadamnimo ee ka taagan Gaza.

Safiirka Aljeeriya ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dadka reer Gaza ay waayeen nabad iyo cunto, taasna ay sabab u tahay diidmada Mareykanka oo isku muujinaya dhexdhexaadnimo aan dhab ahayn.

Soomaaliya oo ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa caddeysay mowqifkeeda, iyadoo si toos ah u taageertay shacabka Gaza, kuna baaqday nabad, gargaar bani’aadamnimo iyo xasillooni waarta.

- Advertisement -

Read more

Local News