25.7 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Ilhaan oo ka guuleysatay isku day lagu ciqaabayay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washigton (Caasimada Online) – Aqalka Wakiillada ee Mareykanka ayaa diiday inuu tallaabo ciqaab ah ka qaado mid ka mid ah xubnihiisa, taasoo la xiriirtay hadallo ay jeedisay kaddib dilkii loo geystay Charlie Kirk, balse isku daygaasi wuxuu iftiimiyey saameynta ballaaran ee ololaha Madaxweyne Donald Trump ee aargoosiga siyaasadeed, wuxuuna gogol-xaar u yahay tallaabooyin kale oo soo socda.

Cod bixin natiijadeedu noqotay 214-213 ayaa meesha ka saartay qaraar ay soo gudbisay xildhibaanadda Jamhuuriga ah ee Nancy Mace oo laga soo doorto South Carolina, kaasoo lagu doonayay in lagu cambaareeyo xildhibaanadda Dimoqraadiga ah Ilhaan Cumar oo ka soo gasha Minnesota, isla markaana laga saaro laba guddi oo Aqalka ka tirsan: Guddiga Waxbarashada iyo Shaqaalaha, iyo kan Miisaaniyadda.

Labada xildhibaan ayaa waxaa horey dhex maray dagaal afka ah oo kulul oo ay isku dhaafsadeen baraha bulshada.

Mace waxay sheegtay in Ilhaan, oo dhaleeceysay aragtidii Kirk ee ku aaddanayd lahaanshaha hubka iyo xiriirka dadka isku jinsiga ah kaddib dhimashadii George Floyd ee sanadkii 2020 ka dhacday Minneapolis, in dalkeeda Soomaaliya dib loogu celiyo. Ilhaan waxay ku dhalatay Soomaaliya, waxayna dhalashada Mareykanka qaadatay sanadkii 2000.

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in Mace ay waddo sheeko been abuur ah si ay lacag ugu uruuriso “una xoojiso ololaheeda doorashada Guddoomiyaha Gobolka.”

“Ma sidatan ayuu ixtiraamka iyo asluubtu ka noqdeen Aqalka Wakiillada ee ay maamulaan Jamhuuriyiinta?” ayuu su’aalay Hoggaamiyaha Dimoqraadiyiinta, Hakeem Jeffries.

“Waxaan ku noolnahay xilli ay sii kordhayaan rabshadaha siyaasadeed ee ba’an, sida aan ku aragnay dilalkii dhawaan loo geystay Afhayeenaddii Hore ee Aqalka Melissa Hortman iyo aasaasihii Turning Point USA Charlie Kirk,” ayuu yiri, isagoo tixraacaya toogashada sharci-dejiyeyaasha Minnesota.

Dhaxalka saameynta shaqsiyadeed iyo tan siyaasadeed ee Kirk ayaa si weyn ugu baahsan uguna qotodheer Aqalka Congress-ka (Capitol Hill) — Afhayeenka Aqalka Mike Johnson wuxuu ka mid yahay dadka u arka hoggaamiyahan da’da yaraa ee muxaafidka ahaa saaxiib — waxaana, asbuucii ka dambeeyay dilkiisii, loo xusay siyaabo kala duwan, kuwa waaweyn iyo kuwa yaryarba.

Habeenimadii Isniinta waxaa lagu qabtay hoolka taallooyinka ee Capitol-ka (Statuary Hall) munaasabad shumacyo lagu xusayay, waxaana la filayaa in si degdeg ah loo ansixiyo qaraar Aqalku ku maamuusayo. Mid ka mid ah sharci-dejiyeyaasha, Xildhibaanad Anna Paulina Luna, R-Fla., oo qortay in “guusheyda siyaasadeed oo dhan uu sabab u ahaa Charlie Kirk,” ayaa ku baaqeysa in taallo looga dhiso Kirk dhismaha Capitol-ka “si loo maamuuso dhaxalkiisa.”

Isla mar ahaantaana, Jamhuuriyiintu waxay soo bandhigeen hindise-sharciyeedyo isdaba-joog ah oo ka tarjumaya baaqii Trump ee ahaa in tallaabo laga qaado waxa uu ku tilmaamo “bidixda xagjirka ah”—kuwaasoo ah dadka ka soo horjeeda aragtidiisa iyo tan hoggaamiyihii muxaafidka ahaa ee la dilay.

Xildhibaan Chip Roy oo ka socda Texas ayaa soo jeediyay in la dhiso guddi gaar ah oo sameeya “baaritaan buuxa oo ku saabsan shabakadda isku xiran ee bidixda ee na soo weerareysa.”

Senatarka Jamhuuriga ah Ted Cruz oo Texas ka socda ayaa isna horumariyay sharcigiisa ku daraya rabshadaha (rioting) liiska dembiyada lagu soo oogi karo ee hoos yimaada sharciyada la-dagaallanka dambiyada abaabulan (racketeering), halka Senatarka Jamhuuriga ah Mike Lee ee laga soo doorto Utah uu doonayo in Congress-ku uu dib u soo nooleeyo sharci ka soo haray xilligii Dagaalkii Qaboobaa kaasoo “dowladda Mareykanka ka mamnuucaya inay ku lug yeelato dacaayadaha siyaasadeed ee gudaha.” Wuxuuna ugu magac daray Sharciga Charlie Kirk.

Xildhibaan Buddy Carter oo Jamhuuriga ka tirsan kana soo jeeda Georgia, ayaa soo jeediyay qaraar kale oo diiradda saaraya canaan loo jeediyo Ilhaan, halka Mace ay sidoo kale soo jeedisay in Wasaaradda Waxbarashadu ay ka jarto maalgelinta federaalka iskuullada ku guuldareysta “inay tallaabo ka qaadaan shaqaalaha cudurdaarka u raadinaya ama ammaana dilka Charlie Kirk.”

Qaar badan oo ka mid ah dadka soo jeedinaya hindiseyaashan, oo ay ku jiraan Roy, Carter iyo Mace, ayaa dhammaantood u tartamaya xilal ka sarreeya gobolladooda, taasoo muujineysa muhiimadda ay leedahay in fariinta Trump la gaarsiiyo saldhiggooda ballaaran ee cod-bixiyeyaasha iyo taageerayaasha.

“Dilkii Charlie Kirk kaddib, siyaasiyiintu waa inay sameeyaan wax kasta oo ay awoodaan si ay u joojiyaan rabshadaha bidixda xagjirka ah,” ayaa lagu yiri warbixin ka soo baxday qeybta siyaasadda ee Hay’adda Heritage Foundation oo lagu magacaabo Heritage Action, iyagoo ku taageerayay soo jeedinta Roy ee ah in la dhiso guddi cusub oo baara “awoodaha ka dambeeya weerarka bidixda xagjirka ah ee lagu hayo Mareykanka.”

Ma ahan markii ugu horreysay ee Congress-ku uu tallaabo ka qaado Ilhaan Cumar ama xildhibaanno kale.

Sanadkii 2023, Ilhaan Cumar waxaa laga xayuubiyay xubinimadii Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka, wuxuuna Congress-kii hore dejiyay heerar cusub oo ku saabsan bixinta cambaareynta iyo ciqaabaha.

Markan, markii ay Mace soo bandhigtay qaraarkeeda ka dhanka ah Omar, Xildhibaanka Dimoqraadiga ah ee Greg Casar oo ka socda Texas ayaa si degdeg ah uga jawaabay: wuxuu soo gudbiyay hindise liddi ku ah oo lagu canaananayo Xildhibaanka Jamhuuriga ah ee Cory Mills oo ka socda Florida, kaasoo la xiriira eedeymo ku saabsan dhaqankiisa shaqsiyadeed iyo midka xirfadeed.

Mills wuxuu ka mid ahaa afar xildhibaan oo Jamhuuri ah oo kula biiray Dimoqraadiyiinta diidmada qaraarkii ka dhanka ahaa Ilhaan.

Dhawaanahan, Aqalka Wakiillada wuxuu u muuqdaa mid qaboojinaya dadaalladan. Sharci-dejiyeyaashu waxay diideen qaraar lagu cambaareynayay Xildhibaanad LaMonica McIver, D-N.J., lagagana saarayay xubinimada guddi, iyadoo wajahaysa dacwado federaal ah oo ka dhashay booqasho ay ku tagtay xarun lagu hayo dadka soo-galootiga ah.

- Advertisement -

Read more

Local News