Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa duleedka magaalada Kismaayo ka fuliyay howlgal ballaaran oo lagu baarayay miinooyinka lagu aasay waddooyinka muhiimka ah ee gobolka Jubada Hoose.
Howl-galkan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray jidadka isku xira deegaanno kala duwan oo muhiim u ah isu socodka shacabka iyo gaadiidka, kuwaas oo marar badan ay ka dhaceen qaraxyo sababay khasaare kala duwan.
Saraakiisha hogaamineysay howlgalka ayaa tilmaamay in ujeeddadu tahay in laga hortago khataraha ka dhalan kara miinooyinka, maadaama ay hore u dhaceen qaraxyo lagu beegsaday gaadiid ay saarnaayeen dad rayid ah.
Ciidanka Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku dadaalayay in ay fuliyaan hawlgallo wadajir ah iyo kuwo gaar ah, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga gobolka, gaar ahaan waddooyinka ay si joogto ah u adeegsadaan dadka deegaanka.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshe amni oo ay wadaan laamaha kala duwan ee ciidanka, kaas oo lagu doonayo in lagu yareeyo halista miinooyinka iyo in shacabka gobolka ay helaan isu socod ammaan ah.
Maalmihii la soo dhaafay, ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Sirdoonka Qaranka ayaa si joogto ah uga waday howlgallo amni xaqiijin ah deegaanno ka tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo, iyagoo bartilmaameedsanaya goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Shabaabka.
Howl-galladan ayaa hordhac u ah qorshayaal ballaaran oo lagu xoojinayo amniga, isla markaana muujinaya go’aanka Jubbaland ee ku aaddan in gebi ahaanba la ciribtiro khatarta Al-Shabaab loona sugo nabadda shacabka.

