28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

UK, Australia iyo Canada oo maanta ku dhowaaqay go’aan taariikhi ah oo la xiriira Falastiin

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

London (Caasimada Online) – Britain, Australia iyo Canada ayaa Axadda maanta ah si rasmi u aqoonsaday dawlad Falastiini ah, taasoo ah isbeddel weyn oo gilgilay siyaasaddii arrimaha dibadda ee Reer Galbeedka ee tobannaan sano soo jirtay, tallaabadaas oo si degdeg ah uga caraysiisay Israel.

Portugal ayaa sidoo kale lagu waday inay aqoonsato dawladnimada Falastiin goor dambe oo Axadda ah, xilli ay Israel la kulmayso cadaadis caalami ah oo xooggan oo ku saabsan dagaalka ay kula jirto Xamaas ee Gaza iyo xaaladda bini’aadannimo ee aadka u daran ee ka taagan dhulkaas go’doonsan.

“Maanta, si loo soo nooleeyo rajada nabadda ee Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta, iyo xalka labada dawladood, Boqortooyada Midowday waxay si rasmi ah u aqoonsanaysaa Dawladda Falastiin,” ayuu Ra’iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer, ku yiri farriin uu soo dhigay barta X.

Saddexdan waddan ayaa noqday xubnihii ugu horreeyay ee ka tirsan Ururka Waddamada Todobada ah ee ugu Dhaqaalaha Weyn (Group of Seven) ee qaada tallaabadan, iyadoo la filayo in Faransiiska iyo quruumo kale ay ku dayan doonaan inta uu socdo shirka sanadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Isniinta ka furmaya New York.

“Canada waxay aqoonsan tahay Dawladda Falastiin waxayna u fidinaysaa iskaashi aan kaga wada shaqayno dhisidda ballanqaadka mustaqbal nabadeed,” ayuu Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, ku qoray barta X.

Ra’iisul Wasaaraha Australia, Anthony Albanese, ayaa sheegay in tallaabada Canberra ay tahay “mid lagu aqoonsanayo himilada sharciga ah ee muddada dheer soo jirtay ee shacabka Falastiin ay u qabaan inay yeeshaan dawlad u gaar ah”.

Madaxweynaha Falastiin, Maxmuud Cabbaas, ayaa ku ammaanay aqoonsiga Axaddii inuu yahay “tallaabo muhiim ah oo lagama maarmaan u ah sidii loo gaari lahaa nabad caddaalad ah oo waarta oo waafaqsan sharciga caalamiga ah.”

Laakiin Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa tallaabadan ku tilmaamay “wax aan macquul ahayn” wuxuuna sheegay inay “halis gelin doonto” jiritaanka Israel.

Waa xilli taariikhi ah oo wax kala saaraya oo u soo hoyday Falastiiniyiinta iyo hamigooda dawladnimo, maadaama waddamada Reer Galbeedka ee ugu awoodda badan ay muddo dheer ku doodayeen in aqoonsigu uu yimaado oo keliya isagoo qayb ka ah heshiis nabadeed oo laga wada xaajoodo oo lala galo Israel.

Inkastoo ay tahay tallaabo u badan astaan, waxay haddana waddamadan ka hor keenaysaa Maraykanka iyo Israel.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa toddobaadkii hore sheegay kaddib wadahadallo uu la yeeshay Starmer, booqasho rasmi ah oo uu ku joogay UK in “mid ka mid ah khilaafyada yar ee naga dhexeeya” ay ahayd arrinta dawladnimada Falastiin.

Tiro sii kordhaysa oo ah xulafada muddada dheer la soo saaxiibka ahaa Israel ayaa beddelay mowqifyadoodii hore, xilli ay Israel xoojisay duullaankeeda Gaza, kaasoo billowday ku dhawaad laba sano ka hor weerarkii Xamaas ee Oktoobar 7, 2023.

Marinka Gaza waxaa soo gaaray burbur baaxad leh, iyadoo ay sii kordhayso qaylodhaanta caalamiga ah ee ka dhalatay tirada dhimashada ee cirka isku sii shareeraysa ee ka jirta dhulkaas xeebta ah ee go’doonsan.

‘Culays gaar ah’

Dawladda UK waxay la kulantay cadaadis dadweyne oo sii kordhaya oo ku aaddan inay tallaabo qaaddo, iyadoo kumanaan qof ay isugu soo baxaan waddooyinka bil kasta. Codbixin ay soo saartay hay’adda YouGov Jimcihii ayaa muujisay in saddex-meelood laba meel dadka British-ka ah ee da’doodu u dhaxayso 18-25 sano ay taageersan yihiin dawladnimada Falastiin.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, David Lammy, ayaa bishii Luulyo ka qiray Qaramada Midoobay in “Britain ay saaran tahay mas’uuliyad gaar ah oo ay ku taageerto xalka labada dawladood”.

UK waxay door muhiim ah ka ciyaartay aasaaskii horseeday abuuritaanka Dawladda Israel iyadoo loo marayo Axdigii Balfour ee 1917.

Saddex-meelood afar meelood xubnaha Qaramada Midoobay ayaa horay u aqoonsan dawladnimada Falastiin, iyadoo in ka badan 140 ka mid ah 193-da waddan ay tallaabadaas qaadeen.

Starmer wuxuu bishii Luulyo sheegay in dawladdiisa Xisbiga Shaqaalaha ay damacsan tahay inay aqoonsato dawlad Falastiini ah, haddii aysan Israel qaadin tallaabooyin “muuqda” oo ay ka mid yihiin in la gaaro xabbad-joojin Gaza, in gargaar badan la geliyo dhulkaas, iyo inay xaqiijiso inaysan ku darayn Daanta Galbeed.

Waxa uu Axaddii sheegay in Britain ay u dhaqaaqayso “si wax looga qabto xaaladda argagaxa leh ee sii kordhaysa ee Bariga Dhexe”.

Xisbiga Shaqaalaha ayaa cusboonaysiiyay baaqyadiisa xabbad-joojinta wuxuuna mar kale dalbaday in dagaalyahannada Falastiiniyiinta ay sii daayaan la haystayaashii ay ku qabsadeen weerarkoodii 2023 ee Israel.

Isagoo Xamaas ku tilmaamay “urur argagixiso oo arxan daran”, Starmer wuxuu sidoo kale xaqiijiyay qorshayaal lagu kordhinayo cunaqabataynta saaran dagaalyahannada, isagoo beeniyay in aqoonsigu yahay “abaalmarin” loo siiyay kooxda.

‘Qaab-dhismeed nabadeed’

Weerarkii Xamaas ee 2023-kii ee koonfurta Israel wuxuu sababay dhimashada 1,219 qof, oo u badnaa rayid, sida lagu sheegay tirokoob ay samaysay wakaaladda wararka ee AFP oo ku salaysan tirooyin rasmi ah.

Ololaha aargoosiga ah ee Israel ayaa lagu dilay ugu yaraan 65,208 qof, oo sidoo kale u badnaa rayid, sida ay sheegeen tirokoobyo ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas, kuwaasoo ay Qaramada Midoobay u aragto kuwo la isku halleyn karo.

Portugal waxay sheegtay inay sidoo kale si rasmi ah ugu dhawaaqi doonto aqoonsigeeda magaalada New York maalinta Axadda ah.

“Markaan hadda tallaabo qaadnay … waxaan noolaynaynaa suurta-galnimada in la helo laba dawladood,” ayuu yiri Madaxweynaha Portugal, Marcelo Rebelo de Sousa.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK ayaa sheegtay in aqoonsiyadani ay qayb ka yihiin “dadaallo caalami ah oo isku dubaridan” oo lagu dejinayo qaab-dhismeed nabadeed si “wax looga qabto arrimaha maamulka, amniga, iyo helitaanka gargaarka bini’aadantinimo” iyo sidoo kale dhisidda xalka labada dawladood.

- Advertisement -

Read more

Local News