28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Muxuu yahay heshiiska ay SOOMAALIYA maanta ku saxiixday Dubai? + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta heshiis cusub ku saxiixday magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu ka socdo shirweynaha ururka boostada adduunka.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Soomaaliya, Maxamed Aadam Macallim (Soomaali) ayaa si rasmi ah u saxiixay dhammaan heshiisyada iyo shuruucda wax ka beddelka lagu ansixiyey shirweynaha 28-aad ee ururka boostada adduunka.

Qodobada uu Wasiirka uu qalinka ku duugay ayaa waxaa kamid ah: 

  1. In Soomaaliya door muuqda ku yeelato bulshada boostada caalamiga.
  2. In adeegyada boostada gudaha loo qaabeeyo si ay ula jaanqaadaan nidaamka caalamiga ah.
  3. Iyo in la dardargeliyo qorshaha dowladdu ku horumarinayso adeegyada dhijitaalka iyo isku xirka bulshada.

“Go’aankan wuxuu daliil cad u yahay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay dhisto adeegyo casri ah oo isku xira bulshada, kobciya ganacsiga, isla markaana soo jiita fursadaha dhaqaalaha caalamiga ah,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Soomaali.

Saxiixa Wasiirda ayaa ahaa tallaabadii rasmiga ahayd ee lagu soo xiray Shirweynihii 28aad ee UPU, kaas oo intii uu socday lagu doortay hoggaanka cusub ee ururka, isla markaana lagu meel mariyey isbeddello sharci iyo heshiisyo cusub oo ay dalalka xubnaha ahi ku mideysan yihiin.

Wasaaradda ayaa ku tilmaamtay heshiiska ay saxiixday mid kamid ah guulaha diblomaasiyadeed iyo farsamo ee dowladda Soomaaliya ay ku muujineyso hoggaamin iyo ka-qaybgal firfircoon oo ku wajahan isbeddellada ka socda bulshada boostada caalamka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa tallaabadan ku xaqiijisay ka go’naanteeda ku aaddan in si buuxda loogu dhaqmo heshiisyada caalamiga ah ee boostada, taas oo ka tarjumeysa istiraatiijiyadda dowladda ee ku wajahan casriyeynta adeegyada boostada iyo kuwa gaarsiinta (courier), si kor loogu qaado ganacsiga, e-commerce-ka, iyo koboca dhaqaalaha bulshada.

- Advertisement -

Read more

Local News