28.5 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Amarro culus oo lagu soo rogay booliska Muqdisho – Maxaa soo kordhay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa guddoomiyey shirkii toddobaadlaha ahaa ee hoggaanada, qeybaha, fadhiyada madaxa-bannaan iyo talisyada dekedda iyo garoonka diyaaradaha, kaas oo si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda guud ee amniga dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Shirkan oo ka qabsoomay xarunta taliska booliska ayaa lagu falanqeeyay warbixinno kala duwan oo la xiriira howlaha amniga ee toddobaadkii la soo dhaafay iyo sidoo kale xaaladda guud ee sugidda nabadgelyada caasimadda iyo nawaaxigeeda.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay saraakiisha saldhigyada booliska ee gobolka Banaadir, kuwaas oo soo bandhigay xog ku saabsan xaaladda amni ee degmooyinka iyo dadaallada socda ee lagu xoojinayo amniga bulshada.

Intii uu socday shirka, waxaa si gaar ah xoogga loo saaray muhiimadda ay leedahay adkeynta amniga baraha koontaroolka ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ah meelaha ugu muhiimsan ee laga ilaaliyo gelitaanka iyo ka bixitaanka caasimadda.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa saraakiisha faray inay si buuxda u dhaqan-geliyaan habraacyada amniga ee horey loo dejiyay, isla markaana ay muujiyaan feejignaan dheeri ah oo ku wajahan xaaladaha isbedbeddelaya.

Sidoo kale, taliyaha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay baaritaanka adag ee gaadiidka soo galaya iyo kuwa ka baxaya Muqdisho, si looga hortago wax kasta oo khatar ku ah amniga iyo xasilloonida caasimadda.

Taliye Asad Diyaano ayaa sidoo kale ku adkeeyay saraakiisha in la xoojiyo nidaamka xog-wadaagga ee u dhexeeya dhammaan laamaha amniga dalka, isagoo xusay in isku xirka xogtu uu door muhiim ah ka qaato ka hortagga falalka amni-darro.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in wada-shaqeynta joogtada ah ee hay’adaha kala duwan ee amniga ay tahay mid lagama maarmaan u ah sugidda nabadgelyo waarta oo laga hirgeliyo dalka oo dhan.

Taliyaha booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale ku boorriyay dhammaan saraakiisha iyo ciidanka inay sii xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan ilaalinta amniga shacabka.

“Isku-duubnida iyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga waa tiirka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo nabadgelyo waarta oo dalka ka hana qaadda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay taliye Asad Diyaano.

- Advertisement -

Read more

Local News