30.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

DF Soomaaliya oo ku biireysa nidaam caalami ah oo la xiriira duulista hawada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA) ayaa si rasmi ah u bilaabay tijaabada nidaamka Billing and Settlement Plan (BSP) ee Soomaaliya, taas oo loo arko mid wax weyn ka beddeli karta hab-maaliyadeedka duulista hawada dalka.

Nidaamkan ayaa la filayaa inuu si buuxda u dhaqan-galo dhammaadka bisha May 2026. Hirgelinta BSP ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku doonayso inay ku casriyeyso waaxda duulista hawada, isla markaana kor loogu qaado isku-xirka caalamiga ah ee dalka.

Dowladda ayaa sidoo kale rajaynaysa in tallaabadan ay gacan ka geysan doonto kobcinta dhaqaalaha iyo soo jiidashada maalgashi cusub.

Marxaladda tijaabada ah ee hadda socota waxaa ka qayb qaadanaya afar shirkadood oo wakaaladaha safarka ah iyo dhowr shirkado diyaaradeed oo ka hawlgala gudaha Soomaaliya. Shirkadahaas waxaa ka mid ah Ethiopian Airlines, oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee ka shaqeeya suuqyada Afrika.

Marka nidaamkan si buuxda loo hirgeliyo dhammaadka bisha May, waxaa la filayaa inay ka faa’iidaystaan in ka badan 300 oo wakaaladood oo safar iyo shirkado diyaaradeed oo dalka ka hawlgala. Tani waxay si weyn u fududayn doontaa habka iibka tikidhada iyo kala xisaabtanka maaliyadeed.

Nidaamka BSP waa hannaan caalami ah oo si gaar ah loogu talagalay inuu mideeyo oo fududeeyo lacagaha u dhexeeya shirkadaha diyaaradaha iyo wakaaladaha iibinta tikidhada. Waxa uu meesha ka saaraa caqabado badan oo hore uga jiray habraacyada lacag-bixinta.

Sidoo kale, BSP wuxuu ka shaqeeyaa dabagalka iibka tikidhada, maamulka lacagaha, iyo hagaajinta nidaamka maaliyadeed ee shirkadaha diyaaradaha, taas oo sare u qaadaysa hufnaanta iyo kalsoonida dhinacyada kala duwan ee ganacsiga.

Sannadkii 2025 nidaamka BSP wuxuu maareeyay in ka badan 700 milyan oo macaamil ganacsi ah oo ka kala dhacay 180 waddan, iyadoo wadarta lacagaha la maareeyay ay gaartay 242 bilyan oo doolar, sida lagu xusay warbixin rasmi ah.

Si kastaba, arrintan ayaa ka dhigan in dalka uu galay marxalad isbeddel ballaaran oo ku aaddan adeegyada duulista hawada, isagoo xusay in isku-xirka gudaha iyo dibadda uu laf-dhabar u yahay dib u soo kabashada dhaqaalaha, sida uu sheegay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News