31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale bilaaban kara – Maxaa socda?

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Maamulka Donald Trump ayaa ku dooday in waqtigii kama dambaysta ahaa ee 1-da May ee looga fadhiyay inay Congress-ka Maraykanka uga helaan oggolaanshaha dagaalka ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan aanu mar dambe shaqaynayn, sababo la xiriira xabbad-joojinta haatan lagula jiro Tehran.

Marka uu madaxweynuhu ku wargeliyo Congress-ka Maraykanka inuu dagaal galay, waxa uu leeyahay muddo 60 maalmood ah, sida uu qabo Sharciga Awoodaha Dagaalka (War Powers Resolution), si uu sharci-dejiyeyaasha uga helo oggolaansho ay ku sii wadaan hawlgalka ama uu kala baxo ciidamada ku lugta leh colaadda.

Marka laga hadlayo kiiska dagaalka Iiraan, waqtigaas kama dambaysta ah wuxuu ku ekaa maalinta Jimcaha.

Balse maalintii Khamiista, Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa u sheegay sharci-dejiyeyaasha xilli uu ka qaybgalayay dhegaysi ka dhacay Aqalka Senate-ka, in xabbad-joojinta jilicsan ee haatan socota ay si dhab ah u hakisay tirintii maalmaha ee waqtiga kama dambaysta ah.

Si kastaba, fasiraadda Hegseth ayaa si weyn looga horyimid. Sharci-dejiyeyaasha xisbiga Dimoqraadiga iyo khubarada sharciga ayaa ku dooday in qodobka sharcigan uusan ku jirin wax oggolaanaya in la hakiyo maalmaha marka tirintu bilaabato.

Khilaafkan ayaa muujinaya isku dhac qoto dheer oo ku saabsan sida loo qeexo erayga “colaado” (hostilities), iyo in xabbad-joojin ku-meel-gaar ah ay wax ka beddeli karto waajibaadka sharciga ah ee laga filayo in Aqalka Cad uu u hoggaansamo.

Haddaba waa maxay mowqifka maamulka Trump ee ku aaddan Sharciga Awoodaha Dagaalka, sideese mucaaradka iyo khubarada sharcigu uga horyimaadeen?

Marmarsiyada maamulka Trump?

Markii uu marag-furka ka hor jeedinayay Guddiga Adeegyada Qalabka Sida ee Aqalka Senate-ka Maraykanka maalintii Khamiista, Hegseth wuxuu ku dooday in “tirinta 60-ka maalmood ay hakato ama istaagto” marka la hakiyo dagaalka.

Maraykanka iyo Iiraan ayaa inta badan joojiyay weerarradii tooska ahaa tan iyo 8-dii Abriil markii ay bilowdeen wada-hadallada xabbad-joojinta, inkastoo wada-hadalladaasi ay dib u istaageen.

Wixii xilligaas ka dambeeyay, Tehran ayaa sii wadday inay si dhab ah u xirto Marinka Hormuz, Washington-na waxay sii wadday go’doominta ciidamada badda ee ay saartay dekedaha Iiraan iyo maraakiibta ku sugan marinkaas. Madaxweyne Trump ayaa si isdaba joog ah uga digay in weerarradu ay dib u bilaaban karaan.

Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Trump ayaa ku raacay Hegseth, iyagoo ku dooday in maqnaanshaha weerarrada tooska ah ee labada dhinac tan iyo horraantii Abriil ay ka dhigan tahay in colaadihii ay si wax ku ool ah u istaageen marka loo eego ujeeddooyinka Sharciga Awoodaha Dagaalka, sidaas darteedna laga yaabo in waqtiga kama dambaysta ah ee 60-ka maalmood uusan mar dambe shaqaynayn.

“Marka loo eego ujeeddooyinka Sharciga Awoodaha Dagaalka, colaadihii bilowday Sabtidii, Febraayo 28, way dhammaadeen,” ayuu mas’uul u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Ma jirin wax isweydaarsi rasaas ah oo dhex maray Ciidamada Qalabka Sida ee Maraykanka iyo Iiraan tan iyo Talaadadii, Abriil 7.”

Intaas waxaa dheer, xubno qaar ayaa soo jeediyay in si fudud loo bilaabo hawlgal cusub oo wata magac cusub si looga gudbo waqtiga kama dambaysta ah.

Richard Goldberg, oo soo noqday agaasimaha la dagaallanka hubka wax gumaada ee Iiraan ee Golaha Amniga Qaranka ee Maraykanka xilligii ugu horreeyay ee Trump, ayaa sheegay inuu kula taliyay saraakiisha maamulka inay si fudud ugu wareegaan hawlgal cusub, kaas oo uu soo jeediyay in loogu magac daro “Epic Passage” (Marinkii Halyeeyada), oo ah qaybtii xigtay ee Hawlgalka Epic Fury — waana magaca hawlgalka hadda lagula jiro Iiraan.

Hawlgalkaas cusub wuxuu u sheegay wakaaladda wararka ee The Associated Press, “wuxuu asal ahaan noqon doonaa hawlgal isdifaac ah oo diiradda saaraya dib u furista marinka, isagoo dhanka kalena ilaalinaya xaqa ficillada weerarka ah si loo taageero soo celinta xorriyadda isku socodka badaha.”

“Taasi aniga ahaan wax walba ayay xallinaysaa,” ayuu raaciyay Goldberg.

Maxuu farayaa sharciga awoodaha dagaalka?

Sharciga Awoodaha Dagaalka (War Powers Resolution), oo la meelmariyay 1973-kii, wuxuu xaddidayaa inta uu madaxweynuhu wadi karo dagaal isagoo aan haysan oggolaanshaha Congress-ka.

Sharcigan dhexdiisa, madaxweynuhu waa inuu Congress-ka ku wargeliyaa 48 saacadood gudahood marka ciidamada Maraykanka la geliyo xaalad dagaal. Laga bilaabo xilligaas, waxaa bilaabmaya tirinta 60 maalmood. Inkastoo Maraykanka iyo Israa’iil ay bilaabeen dagaalkooda hadda ee Iiraan 28-kii Febraayo, maamulka Trump wuxuu Congress-ka ku wargeliyay 2-dii Maarso, taas oo sababtay in waqtiga kama dambaysta ah ee 60-ka maalmood uu ku ekaado 1-da May.

Mudadaas 60-ka maalmood ah gudahood, madaxweynuhu waa inuu ama oggolaansho ka helo Congress-ka — iyada oo loo marayo qaraar wadajir ah oo ay ansixiyeen Aqalka Wakiillada iyo Aqalka Senate-ka — ama uu soo afjaro ku lug lahaanshaha milatari ee Maraykanka.

Sharcigu wuxuu oggol yahay kordhin 30 maalmood ah oo xaddidan, laakiin ujeedadu waa in si nabad ah ciidamada looga saaro, ee ma aha in la sii wado hawlgallada dagaalka si aan dhammaad lahayn.

Si kastaba ha ahaatee, sharcigan oo loogu talagalay in lagu xaddido awoodaha dagaal-gelinta madaxweynaha wixii ka dambeeyay dagaalkii Fiyatnaam ayaa waxaa iska indhatiray ama ka horyimid madaxweynayaashii hore, kuwaas oo ku dooday in qaybo ka mid ah sharcigu ay ka hor imaanayaan dastuurka.

Oggolaanshaha Adeegsiga Xoogga Milatari (AUMF) ayaa ah saldhig kale oo sharci oo suurtagal ah si loo sii wado hawlgallada milatari, maadaama uu siinayo madaxweynaha awood uu ku geeyo ciidamo ujeeddooyin qeexan.

Asal ahaan waxaa la meelmariyay 2001-dii kadib weerarradii 11-kii Sebtembar si loogu oggolaado Maraykanka inuu qaado waxa loogu yeero “dagaalka ka dhanka ah argagixisada”, kadibna dib loo xaqiijiyay 2002-dii si meesha looga saaro Saddam Hussein loona oggolaado duullaankii Ciraaq ee 2003. Wixii xilligaas ka dambeeyay, maamullo is-xigay ayaa isku halleeyay oggolaanshahaas si ay u taageeraan hawlgallo milatari oo ballaaran.

Sababo la xiriira khilaaf qoto dheer oo u dhexeeya xisbiyada Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga, uma badna in Congress-ku uu oggolaado sii wadista tallaabooyinka milatari ee ka dhanka ah Iiraan.

Maalintii Khamiista, isku daygii lixaad ee Aqalka Senate-ka ee lagu doonayay in lagu xakameeyo awoodda Trump ee gudashada hawlgallada milatari iyadoo la adeegsanayo Sharciga Awoodaha Dagaalka ayaa lagu diiday codad gaaraya 50-47, iyadoo xubnuhuna ay si weyn ugu codeeyeen qaab xisbiyeed.

Inkastoo la hakiyay weerarradii cirka iyo gantaallada, haddana ciidamada Maraykanka iyo kuwa Iiraan ayaa sii waday colaadaha ka dhex taagan marinka Hormuz iyo agagaarkiisa.

20-kii Abriil, milatariga Maraykanka ayaa rasaas ku furay isla markaana qabsaday markabka xamuulka qaada ee “Touska” oo sitay calanka Iiraan, iyadoo Tehran-na maalmo kadib ay qabsatay laba markab oo ganacsi oo shisheeye ah.

Inkasta oo ku dhawaad dhammaan xubnaha xisbiga Jamhuuriga ay u codeeyeen diidmada qaraarka Awoodaha Dagaalka maalintii Khamiista, haddana Senator Susan Collins oo laga soo doorto gobolka Maine ayaa ka baxday safka xisbigeeda si ay u taageerto Dimoqraadiga.

“Awoodda madaxweynaha ee taliyaha guud ee ciidamada ma aha mid aan xad lahayn,” ayay tiri, iyadoo tilmaantay in waqtiga kama dambaysta ah ee 60-ka maalmood uu yahay “shardi qasab ah, ee uusan ahayn talo la soo jeediyay.”

Isku soo wada duubo, arrimahan ayaa loo arkaa marmarsiyo uu maamulka Trump ku doonayo inuu dib ugu bilaabo weerarada Iran, oo haatan uu go’doon geliyay dekedaheeda, haddii ay si dhab ah u shaqeyn waayaan dadaallada nabadeed ee socda.

- Advertisement -

Read more

Local News