29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Safiirka UK ee Soomaaliya: Waxaan ku shaqeeya cabsi iyo khatar joogta ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Charles King ayaa sheegay in uu xaalad adag oo nololeed iyo shaqo kala kulmo magaalada Muqdisho, isaga oo ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha diblomaasiyadeed ee ugu khatarta badan caalamka ee laga shaqeeyo.

Safiirka ayaa sheegay in shaqadiisu aysan ahayn mid caadi ah, maadaama uu ku sugan yahay deegaan ay si joogto ah uga jiraan khataro amni oo culus, kuwaas oo saameyn ku leh nolol maalmeedkiisa iyo howlaha safaaradda.

Qoraal uu soo saaray ayuu King ku xusay in mararka qaar subaxdiisa ay ku bilaabato dhawaaqa diyaaradaha dagaalka ee F-16, taas oo beddesha digniinta saacadda hurdada, arrintaas oo muujineysa heerka amni ee uu ku shaqeeyo.

Waxa uu tilmaamay in dhaq-dhaqaaqiisa maalinlaha ah uu si weyn ugu xiran yahay habraacyo amni oo adag, isaga oo inta badan adeegsada gaadiid gaashaaman iyo qalab difaac si uu u fuliyo waajibaadkiisa diblomaasiyadeed.

Safiirka ayaa sidoo kale xusay in safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho dib loo furay sannadkii 2013, xilli Ingiriisku uu ka mid noqday dalalkii ugu horreeyay ee reer Galbeed ah ee dib ugu soo laabtay Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in safaaraddu ka shaqeyso arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin xoojinta amniga, bixinta gargaarka bani’aadannimo, iyo kor u qaadista iskaashiga caalamiga ah.

King ayaa tilmaamay in ay si dhow ula shaqeeyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, si loo yareeyo khataraha ka imanaya kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale, waxa uu xusay dadaallada lagu xakameynayo budhcad-badeedda, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sugo amniga badda iyo ganacsiga caalamiga ah.

Inkasta oo uu sheegay in horumar la sameeyay sanadihii u dambeeyay, haddana waxa uu muujiyay in guulahaasi ay weli jilicsan yihiin, isla markaana u baahan in la sii xoojiyo.

Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay weli tahay deegaan adag oo u baahan dadaal joogto ah iyo taageero caalami ah si loo gaaro xasillooni waarta.

Dhanka kale, safiirka ayaa sheegay in inkastoo xaaladaha amni ay adag yihiin, haddana ay sii socdaan howlo diblomaasiyadeed oo caadi ah oo lagu xoojinayo xiriirka caalamiga ah.

Wuxuu tusaale u soo qaatay munaasabad ay qabteen oo lagu xusay ‘Habeenka Burns’, taas oo ah xus sannadle ah oo lagu maamuuso gabyaaga reer Scotland ee Robert Burns.

Munaasabaddaas ayuu sheegay in ay ka qayb galeen diblomaasiyiin iyo marti sharaf kala duwan, taas oo muujineysa in xiriirrada diblomaasiyadeed ay sii socdaan xitaa xaaladaha adag.

Ugu dambeyn, Charles King ayaa carrabka ku adkeeyay in joogitaankooda Soomaaliya uu muhiim u yahay danaha wadajirka ah ee Soomaaliya, Ingiriiska iyo beesha caalamka, isaga oo xusay in fahamka xaaladda dalka iyo dhisidda xiriirro adag ay qayb weyn ka tahay shaqadooda.

- Advertisement -

Read more

Local News