Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta xarunta Taliska Xoogga ee Wasaaradda Gaashaandhigga kusoo dhaweeyay Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.
General Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa haatan ah yahay Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC).
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay doorka muhiimka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo diirada lagu saaray iskaashiga caalamiga ah ee lagu ciribtirayo khataraha argagixisada.
Kulanka ayaa lagu adkeeyay wada-shaqeynta ka dhaxaysa ciidamada qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah, si looga miro-dhaliyo degganaanshaha guud ee gobolka iyo xasilloonida Soomaaliya.
General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa Taliyaha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo saabsan howlaha Isbahaysiga IMCTC iyo kaalinta uu ku leeyahay taageerada dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Wuxuu xusay in isbahaysigu xoogga saaro burburinta fikirka xagjirka ah iyo ciribtirka ilaha dhaqaale ee argagixisada, taas oo qayb muhiim ah ka qaadanaysa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta amniga, nabadda iyo xasilloonida dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa dardar-gelinaysa dagaalka Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay uu gaabis ku yimid, iyadoo ciidamadu bilaabeen howl-gallo culus oo ka dhan ah kooxda, xilli ay muddooyinkii dambe kooxdu dib u qabsatay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo xoreyntooda ay ku baxeen geesiyaal naftood hurayaal ah.
Xalay unbey aheyd markii duqeymo illaa afar gaaraya lagu gaaray Shabaabka ku sugan gobollada Jubbada Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Baay, kuwaas oo si gaar ah loogu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda.
Duqeymahan ayaa lagu laayay saraakiil ajaaniib ah oo tababar siin jiray maleeshiyaadka A-Shabaab, kuwaas oo ka kala yimid dhowr dal. Sida aan xogta ku helnay saraakiisha ajaaniibta ee la laayay ayaa kala ahaa Abuu Fahad Suudaani, Abuu Saleebaan oo Pakistan u dhashay, Abuu Jacfar oo Morocco u dhashay iyo Abuu Maalik oo isna aan la sheegin dalka uu kasoo jeedo.
Sidoo kale waxaa Kunyabarrow lagu burburiyay qalab casri ah oo yiilay goobta la beegsaday, kaas oo ay Al-Shabaab ka heleen Xuutiyiinta Yemen, sida laga soo xigtay ilo sirdoon oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Duqeymahan ayaa qeyb ka ah howl-gallada la doonayo in lagu cuuryaamiyo awoodda Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay sidoo kale ka socdaan howl-gallo ay wadaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Si kastaba, Dowladda Federaalka ayaa mar kale sii laba jibaaraysa dagaalka argagixisada, waxaana haatan howl-gallo ay ka socdaan HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.







