Muqdisho (Caasimada Online) โ Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, haatanna ah hoggaamiyaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa maanta khudbad uu ka jeediyay shirweynaha mucaaradka ee ka furmay Muqdisho si adag uga hadlay qaylo dhaanta ka taagan dhulka danta guud.
Shariif ayaa sheegay in arrinta dhulka ay tahay khad cas oo aan laga aamusi karin, isagoo uga digay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh inay ku tagri falaan dhulka dowladda, isla markaana ay si deg-deg ah u joojiso barakicinta shacabka.
“Dadka qaar waxay yiraahdan dhulka qadiyad ma ahan, laakiin dhulka waa qadiyad, adduunka waxa ugu badan isku haysto waa dhul, qabaa’il iyo dowladuhuba waxay isku hayaan dhul. Marka dhulku waa qadiyad iyo qeyb kamid ah dowladnimada,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Waxa uu intaas kusii daray “Dhulka in qolo gaar ah iska maamulato oo sida ay rabto yeesho, dadka masaakiinta ahna wixii la doono laga sameeyo, waxaa u maleynaa in aysan nagu habooneyn in aan ka aamusno.”
Madaxweynihii hore ee dalka ayaa si cad u sheegay arrinta dhulka ay tahay qadiyad si guud u taabaneysa dadka Soomaaliyeed, isagoo ku dhaliilay hoggaanka tallada haya in uu ku dhaqaaqay wax aysan ku dhiiran dowladihii ka horeeyay.
“Nidaam weli ku dhiirada in dhulka qaranka siduu doono ka yeelo ma jiro. Nin walba iyo koox walba oo dalkaan soo martay dhulka aad ayay uga taxadartay. Hadda arrinta dhulka waxay soo gaartay meel aan laga aamusi karin siyaasi iyo qof caadi ahba,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka.
Dhinaca kale, Shariifka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii dhawaan kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya ee sida weyn uga caroodeen qurbajoogta Soomaaliyeed, kaas oo shaki galinayay Soomaalinimadooda.
“Dadka shirka kasoo qeyb-galay waxaa kamid ah qurbajoogta Soomaaliyeed, oo baryahan dambe qadiyad quseysa ay halkaan taalo, taas oo ku saabsan Soomaalinimadooda. Qof walba oo Soomaali ah wuxuu makaan ku leeyahay dalka,” ayuu yiri Shariifka oo si adag uga horyimid in qurbajoogta Soomaaliyeed ee dhalashada shisheeye sidata laga saaro Soomaalinimada.
Madaxweynaha Soomaaliya oo dhawaan ka hadlayay arrimo ku aadan horumarinta baasaboorka dalka iyo nidaamka lasoo kordhiyay ee e-Visa ayaa sheegay in qofka sita baasaboor ajnabi ah uu lamid yahay ninka ajnabiga ah ee dalka soo galaya, sidaas darteedna laga rabo inuu u hoggaansamo shuruucda cusub ee ay soo rogtay dowladda.
“Baasaboor shisheeye qofkii wata Soomaali ma aha, luuqadda Af-Soomaaliga iyo midabka madow laguma noqdo Soomaali.โ ayuu markaas yiri madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo fal-celin xooggan ka dhalisay baraha bulshada.
Hoos ka daawo