Xog xasaasi ah oo ka soo cusboonatay duqeyntii lagu dilay Caaqil Cumar C/llaahi

Bookmark
Bookmarked

Share

Badhan (Caasimada Online) – Duqeyn cirka ah oo Maraykanku ka fuliyay waqooyiga Soomaaliya ayaa muran dhalisay, kadib markii dadka deegaanka ay sheegeen in lagu dilay caaqil aad looga yaqaanay gobolka Sanaag, halka masuuliyiin ka tirsan Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) iyo dowladda Soomaaliya ay u sheegeen BBC-da in weerarka lagu bartilmaameedsaday nin hubka Al Shabaab ka ganacsada.

Weerarkan oo dhacay 13-kii Sebteembar, ayaa muranka ka dhashay wuxuu mar kale muujiyay sida duqeymaha cirka ahi ay inta badan u reebaan hubanti la’aan ku aadan cidda lagu beegsado.

Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay in ay fuliyeen “duqeyn toos ah” maalintaas, iyagoo sheegay oo keliya in bartilmaameedku ahaa “ganacsade hubka al-Shabaab” ka baayac mushtara. Magac kuma aysan sheegin war-saxaafadeedka.

Dadka degmada Ceelbuh ayaa ku tilmaamay ninka la dilay inuu ahaa Caaqil Cumar Cabdullaahi Cali, caaqil caan ku ahaa xallinta khilaafaadka. Odayaasha bulshada ayaa cambaareeyay weerarka, iyagoo ku tilmaamay weerar ka dhan ah dhaqankooda iyo sharafkooda.

BBC Somali ayaa mar labaad weydiisay AFRICOM in ay caddeeyaan haddii qofka ay dileen uu ahaa Caaqil Cumar Cabdullaahi Cali. Taliska ayaa ku jawaabay in aysan haynin faahfaahin dheeraad ah marka laga reebo inta ay war-saxaafadeedka ku soo qoreen.

Mar aynu waydiinay suuragalnimada ah in waxyeello rayid ay jiraan, AFRICOM waxay sheegtay in dacwadaha kiisaska noocaas ah si dhow loo eego, iyadoo natiijooyinka ka soo baxana lagu daabaco warbixino saddex-biloodle ah, balse kama aysan jawaabin in uu socdo baaritaan ku saabsan duqeyntan si gaar ah.

Nabadoon Xuseen Xaaji Yuusuf (Indha-deero), oo isna oday ka ah Ceelbuh, ayaa u sheegay BBC-da in Cumar Cabdullaahi Cali uu ahaa caaqil la ixtiraamo oo door wanaagiisu udub-dhexaad yahay ku lahaa bulshada. Wuxuu sheegay inuusan ahayn nin ay ka muuqatay arrimaha ay masuuliyiintu hadda ku eedeeyeen, balse uu ahaa nabadoon ay geeridiisu ka yaabisay bulshadii uu ka dhashay.

Mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya, oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa u sheegay BBC-da in bartilmaameedka Soomaaliya iyo Mareykanku runtii uu ahaa Caaqil Cumar Cabdullaahi, isagoo ku sifeeyay “horjooge sare oo u fududeeya argagixisada gobolka dambiyada abaabulan” kaas oo hub siin jiray al-Shabaab iyo ISIS, isla markaana sirdoonka Soomaaliya uu helay xiriir uu Caaqilku la lahaa kooxda Xuutiyiinta ee Yemen.

Masuulka ayaa sheegay in weerarka si qorshaysan loo fuliyay, iyadoo la adeegsanayay kormeer muddo la waday, isla markaana aanay waxyeello ka soo gaarin rayid. Dowladda federaalku weli bayaan rasmi ah kama soo saarin.

Kooxda Al-Shabaab ayaa beenisay in Cumar Cabdullaahi Cali uu xubin ka ahaa ururkooda.

Sheegashooyinkan iska soo horjeeda ee AFRICOM, dowladda Soomaaliya, al-Shabaab iyo bulshada deegaanka ayaa abuuray su’aal ilaa hadda jawaabteedu aysan cadeyn: Mareykanka iyo Soomaaliya maxaysan si rasmi ah ugu magac dhabin in Caaqilku ahaa bartilmaameedkooda?

Ilaa iyo hadda sanadkan 2025, AFRICOM waxay war-saxaafadeed ka soo saartay 55 duqeyn oo ay ka fulisay Soomaaliya. 31 ka mid ah waxaa lagu beegsaday xubno Daacish (ISIS) ah oo ka dagaallamaya buuraleyda Puntland, halka inta kale lagu duqeeyay al-Shabaab.

Washington ayaa ugu tiirsan duqeymaha cirka ah, hase yeeshee waxay sidoo kale mararka qaar dhaliyaan waxyeello rayid oo hufnaanta duqeymaha muran galiya.

Bulshada gobolka Sanaag, ayaa is weydiinaya dhab ahaanshaha sababta ka danbeysa dilka Caaqil Cumar Cabdullaahi Cali.

Ilaa caddayn dheeraad ah la helo, ama Dowladda iyo AFRICOM si rasmi ah u xaqiijiyaan magaca bartilmaameedka, duqeyntani waxay ahaan doonta mid lagu muransan yahay.

Isha: BBC

- Advertisement -

Read more

Local News